DHEGEYSO: Isbeddel ay ka faa’iidaysan karaan ardayda Soomaalida oo lagu samaynayo waxbarashada Sweden

0

(Stocholm) 10 Juun 2019 – Hay’adda Iskaashatada Macalliminta Sweden ee Lärarnas riksförbund ayaa doonaysa in ay joojiso barnaamijka hordhaca ah ee loo qoondeeyay ardayda dugsiga sare, iyadoo doonaysa in lagu bedelo mid kale oo cusub, sida ay sheegtay Åsa Fahlen oo ah guddoonka Jamciyaddaasi.

”Hannaanka haatan jira ma aha mid shaqaynaya. Waxaannu isku dayaynaa dadaal gelin cusub oo deg deg ah, si ay dadka ugu badan ee suuragalka ihi ugu baasaan imtixaannada dugsiga sare,” ayay tiri guddoonka Lärarnas riksförbund Åsa Fahlén.

Fahlén ayaa intaa raacisay in ujeedku yahay sare u qaadista saamiga ardayda ka qalin jebinaysa dugsiga hoose dhexe oo iminka aad u hooseeysa, gaar ahaan marka la eego dadka aan markii hore lahayn saldhig aqooneed.

Caadiyan ardayda kasoo baxda dugsiyada hoose/dhexe iyagoo aan heysanin dhibco ku filan, waxaa loo diraa barnaamij hordhac ah oo ay iskugu diyaarinayaan dugsiga sare, ha yeeshee, boqolleey aad u yar ayaa marka dambe u baasta dugsiga sare.

Sidaa daraadeed, Iskaashatada Macallimiinta ayaa doonaysa inay xoorto qaabkaa is diyaarinta iyadoo bedelkiisa dabbaqaysa qaab cusub oo deg deg ah balse gaar u beegsanaya cillada jirta, si loo taageero ardayda aan haysanin shahaado u qalanta dugsiga sare, tusaale ahaan, waxaa la kordhinayaa da’da waajibka ah in iskuulka hoose/dhexe lagu dhameeyo oo la gaarsiinayo ilaa 18 sano, iyadoo diiradda si gaar gaar ah loo saari doono baahida uu ardaygu qabo, sida ay Fahlén maanta u sheegtay DN Debat.

”Waxaa dhici kara arday u baahan in ay ka baxaan hal ama laba maaddo oo ay ku dhibtoodeen xilligii dugsiga dhexe, deeto waa inay diiradda saaraan maaddooyinkaas oo qura,” ayay tiri Fahlén.

Waxay kaloo hoosta ka xarriiqday inay jiraan arday badan oo ay ku adag tahay inay la qabsadaan waxbarashada asaasiga ah ama wada dhigtaan dugsiga hoose dhexe oo 9 fasal ka kooban, sida kuwa xilli dambe Sweden yimid amaba aan horay u lahayn aqoon asaasi ah.

”Waxaan u baahan nahay in gaar loo eego arday kasta baahidiisa, si uu usoo dhex galo hannaanka iskuullada dalka,” ayay tiri Åsa Fahlén.

Xigasho: Radio Sweden

Hadalsame Media