DHACDADII DIINSOOR: ”Markii aan fadhigii kusoo noqonnay waxay nagu tiri wax aynaan ka filayn!” (Qiso dhacday!)

0

(Hadalsame) 10 Juun 2019 – Qaluubteyda kama Go’do waa Mahadho aan sinaba ku Hilmaami karin waxaa Macalin ka ahaa Degmada Diinsoor, waxaa dhacdey Aniga iyo yar Saaxiibkey oo Macalin wada ahayn ayaa waxaa raadiney Guri Ijaar ah oo aan degno

Markii aan Muddo raadineyney ayaa markii Dambe waxaa noo yeertey Haweeney Guri Fila degen soo dhaweyn iyo isbariidin ka dib waxay na weydiisey baahideena, waxaa u sheegney in aan raadineyno Guri Ijaar ah.

Intaa Sidaa noo fiiriso ayey na tiri Guriga hore u soo gala, markii aan Cabaar ku soo wareegney Guriga ayaa Dib ugu soo laabaney Fadhigii maxaa Dhacay waxaa Fileyn baa kala kulaney

Waxay noo sheegtey in Guri ay nooga Baxayso islamarkaana aysan wax Ijaar ah naga Rabin, markii uu hadalkaas ka soo yeerey ayaa waxaa labadeenii na qaadey Dareen Farxadeed waxay weydiiney “Haddii aad Guriga nooga Baxdo halkee aadeysaa Hooyo waxay Tiri

“Magaalada ayaa Dhinac ka degeyaa oo Guri ka kireysanayaa” inta yaabney ayaa waxaa ku niri Hooyo sidaa maxaa u sameyneysaa markaas bay Tiri

“Aniga idiin gartey marka Galabta Guriga waa idiin kaga Baxayaa ee ku soo Guura”

Markaan u sheegney Macalimiintii kale in aan soo heley Guri lacag La’aan ah aad bay ula yaabeen isla Galabtiiba Gurigii baan ku soo guurney oo shey aan ka maqneyn waa Sariirihii, Joodarayaashii, Armaajooyinkii wixii kale agab ah Guriga uu lahaa xitaa Maacuuntii.

Waxaa idiin weydiiyey maanta ma la helayaa Dad noocaas ah shaqsigan aniga u maleynmaayo in maanta la helayo waayo Dadkii kuugu xigey oo intaas Guri ah ilaah siiyey ayaa Dadkoodii Banaanada Dhaxanta ku dileysaa oo qaarkood Baahi u Dhimanaya marka waxaa Xaqiiqo ah in dad uu yahay Dadkii hore marka la fiiriiyo Dhinaca Garashada iyo Naxariista maxaa ku dareysaa Dhacdadaan.

Waxaa Qoray: Amiin Yuusuf Khasaaro

Hadalsame Media