WAR CUSUB: Kenya oo sheegatay xirmooyinka saliideed ee xeebaha JUBBALAND (Akhri dooddooda)

0

(Nairobi) 06 Juun 2019 – Warqaadka Standard Media ayaa ku dooday inuu helay war cusub oo ”haatan soo baxay” oo muujinaya in baloogyada saliideed ee ay Somalia iib gaysey ay ku jiraan kuwo ku yaalla biyaha gayiga Kenya.

Wuxuu qoray in loosoo dusiyay dokumenti lagu magacaabo ‘Offshore Somalia 2019’ kaasoo ay samaysay Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macaadinta, kaasoo muujinaya 5 xirmo saliideed oo ku yaalla Lamu oo ay Somalia iibgaysey, sida uu wargaysku sheegayo.

Wuxuu sheegay inay Somalia ay iska aamusan tahay jeer ay Kenya qayladii ka dhamaatay, si buu yiri ay u ilaashato daneheeda, maadaama ay Somalia sharikaddii ku guulaysata howsha sahminta ku wareejin doonto 1-da Jannaayo 20202.

Wuxuu sheegay in Somalia suuqa soo dhigtay 15 xirmo oo kala ah: xirmooyinka 131, 142, 152 iyo 153 oo ku beegan Galmudug lana yiraahdo Obbia Basin, xirmooyinka 164, 165, 166, 177, 178 iyo 179 oo ku beegan Hirshabelle lana yiraahdo Coriole Basin, iyo baloogyada 189, 190, 204, 218 iyo 219 oo uu sheegay in la yiraahdo Lamu Basin, kuwaasoo uu wargaysku sheegay in ay ku yaallaan biyaha Kenya, isagoo marna soo hadal qaadin Jubbaland oo ah gobolka ay baloogyadani ku beegan yihiin.

Dokumentiga ayaa muujinaya in kaddib Jannaayo 2020, in shirkadihii ku guulaysta ay baaritaanka wadi doonaan 4 sanadood, iyadoo 2 sano oo kale lagu dheerayn doono haddii loo baahdo, iyadoo kaddib Somalia loo sheegi doono caddadka saliidda la helay.

Wuxuu intaa raacinayaa, in waloow Somalia ay Kenya ka dacwaysey Maxkamadda ICJ, ay misna Somalia si rasmi ah ugu jawaabi doonto shirkadaha ay khuseeyso 4-ta Luulyo,  iyadoo si rasmi usoo gudbin doonto heshiiska wadaagga wax soo saarka ee Production Sharing Agreement (PSA) marka la gaaro 12-ka Sebtemar 2019, taasoo ku beegan isla xilliga ay Makxamaddu doodda ugu dambaysa go’aaminayso.

Wuxuu wargaysku qorayaa in ay arrintu xitaa gaartey dalka Tanzania oo uu sheegay in ay QM u gudbisey codsi ah inay Somalia arrintan kala hadasho, waloow aanay jirin wax iyada arrintan ka khuseeya.

Hadalsame Media