(Hadalsame) 06 Juun 2019 – Tan iyo markii la yiri Somalia waa federaal, waxaan markasta maqalnaa muran ka taagan, waxaana murankaasi kasoo fufaa dhanka maamullada, waxaa lagu murmaa wax kasta min go’aannada dibadeed ilaa inta qof ee Xajka aadaysa iyo dayuuradaha la raacayo.
Aahay, dalku waa federaal. Malaha federaalkaba waxaan u fahamney inuu yahay muran qallalan oo yaabis ah. May sidaa maaha federaalku, balse aannu taa maalin kale faalleeynee, dib usoo noqo.
Marka aad eegto howlaha maxalliga ah ee ay gobollada waajib ku tahay inay qabtaan, giddigood ama ku dhowaad giddigood waa dayacan yihiin, shaqooyinka ay ka midka yihiin jidadka, caafimaadka, korontada, biyaha, waxbarashada, buundooyinka, nadaafadda, abuurista shaqooyinka maxalliga ah iwm.
Haa, waxaa oo dhami waa dayacan yihiin, balse maamullada oo aan weli si saaxi ah u shaqayn xitaa maamul ahaan, balse jeebka u gala ninka la yiraahdo waxaad tahay ”Madaxwayne” oo sidii sheey uu isagu leeyahay mar Shiinaha kala dhaca, marna Shabeelle shir ku qabta.
Howsha u taalla ee aan sare kusoo tixnay bedelkeeda waxay ka hadlaan hoowlo aan iyaga khuseeynin sida wax ay ku sheegaan ”MASIIRKA UMADDA” sidii inay umadda Soomaaliyeed ee ku hoos nool Jamhuuriyadda Somalia ay kala MASIIR tahay. Masiirka umadda waxaa go’aamiya Baarlamanka dhexe oo go’aanka isagu u gaari kara ka WAKIIL ahaan, ama umadda usoo celin kara WAKAALADDA si ay iyagu go’aanka u gaaraan, sida mararka AFTIDA la qaadayo. Sinaba maaha arrin u taalla maamul-goboleed.
Hadda, bal eeg dhibaatada ka taagan halka la yiraahdo Sinu-jiif ee ah meel muhim u ah isu socodka gaadiidka dadka Soomaaliyeed ee ku nool Puntland iyo qaybaha kale ee dalka, hadda meeshaasi waa go’an tahay mana aha markii 1-aad ee ay sidaasi dhacdo.
Puntland oo qurana maahane, maamul-goboleed kasta oo haatan jira waxaa horyaalla kun howlood oo iyaga kaga qaabsan inay la qayliyaan, welibana aan u garaabi lahaa haddii aan arki lahaa iyagoo DF Somalia kula doodaya sidii wax lagaga qaban lahaa, sida tusaale ahaan mashaariicdka horumarineed, dhismaha iskuullo, isbitaallo, koronto iyo biyo siinta umadda, sidii doorashada loo daadejin lahaa, illeen ilaa hadda ma jiro maamul-goboleed qabtay doorasho gudeed ka badan midda xilalka sare iwm. Bal masiirka maxalliyiinta intaa uga muhiimsani waa maxay?
Ugu dambayn, waxaan soo jeedin lahaa in shacabka ku dhaqan meelaha ay maamulladu ka jiraan ay noqdaan shacab garanaya shaqada laga rabo maamul-goboleed, waxaa koow ka ah kabidda kaabadda Sinu-jiif oo kale iyo kunka howlood ee kale, waa in ay madaxda gobollada kula xisaabtamaan inay la yimaadaan waxqabad milga leh oo maxalli ah, maya muran HEER QARAN ah oo aan marna dhamaanayn.
Halkan hoose ka daawo gaadiidka ku xayiran Sinu-jiif
Muuqaalka: Radio Daljir
Tifaftirka: Hadalsame Media