Edin Hazard oo £130milyan oo gini kula biiraya kooxda Real Madrid + Sawirro

0

(London) 06 Juun 2019 – Jookar Chelsea ee Eden Hazard ayaa u muuqda mid mar dhow xiran doona funaanadda camaaliqada Yurub ee Real Madrid, taasoo ku qaadanaysa kharash gaaraya £130milyan oo gini.

Laacibka ayaa la sheegay inuu horraanba heshiis shakhsi ah la gaarey kooxda Cadcadka, balse ay kaliya harsan tahay in lagu dhawaaqo kaddib marka la turxaan bixiyo dalabka Chelsea, si uu u rumeeyo riyadiisii ahayd inuu mar uun ka dheelo Santiago Bernabeu isagoo ka hoos shaqaynaya ninkii uu carruurnimadiisa ku dayan jirey ee Zinedine Zidane.

Real ayaa diyaar u ah inay bixiso kharashka ay 28-jirkan kudalbanayso kooxda Buluugleey, taasoo guul u ah Marina Granovskaia oo Real bilowgii ka qaadaysa £88m oo gini oo kaash ah, taasoo marka dambe gaari doonta ilaa £130m oo gini marka lagu daro bareemiyooyin dhowr ah, si loogu gooyo xeerka FFP.

Hazard ayaa kaddib dhamaadkii kulankii dhamaadka EL ee ay 4-1 direen kooxda Gunners wuxuu si aan ganbasho lahayn warbaahinta ugu sheegay inuu ka socdo kooxda Chelsea, si uu u galo hardan cusub iyo hiraal kale.

Hadalsame Media