Caqli-celin ku aaddan agab-ciyaareedka cunfiga ee ay carruurtu ku dheelaan!

0

(Hadalsame) 05 Juun 2019 – Waxaa lagu jiraa xilli ciideed ay Muslimiintu u dabbaal degayaan xuska Ciidul Fitriga, ha yeeshee, munaasabaddani waxay si gaar micne wayn ugu leedahay carruurta yar yar oo xilliyadan oo kale dugsiyada laga fasoxo, dhar iyo agab ciyaareedna loo gado.

Haddaba, agab-ciyaareedka loo gadayo mallagu baraarugsan yahay, muhimse ma tahay in carruurta laga duwo agabyada muujinaya cunfiga iyo dilka sida qoryaha iyo bastooladaha iyadoo loo duwayo dhanka waxbarashada, wax dhisidda, hal xiraale furista, wax sawirridda, midabaynta iwm? Waxaa wax ka qoray Yaxye Y Khasaaro oo soo jeediyay qodobbadan:

? Maalinta Ciidda oo ah maalin farxadeed waxaa waalidiinta Soomaaliyeed ay carruurtooda u iibiyaan hubka ay carruurtu ku ciyaaraan nuucyadiisa kala duwan, taasoo khatar gelin karta naftooda haddii ay ku taagaan Askari markiisii horeba argagaxsanaa.

? Waxaa kale oo isticmaalka qoryahani iyo bambooyin carruureedkani ay saameyn xun ku yeelanaysaa maskaxda ubadka Soomaaliyeed, iyagoo wiiqaya xirfadda iyo hamigii wanaagsanaa ee ay yeelan lahaayeen mustaqbalka markay weynaadaan iyadoo ay ahayd in loogu beddelo alaab carruureed maskaxdooda kobcinaysa bulshadana wax u taraysa sida (Dhaqtar, Injineer, Booliis, Dabdamis, Baabuur, Markab, Mooto, Sariir, Kursi, Kumbiyuutar Mobile iwm).

? Marka carruurtu waxa ugu dambeeya ee ay ku farxayaan haddii loo iibin lahaa ay tahay Qori, Bastoolad iyo Bambo waxay si fudud hadhoow ugu sahlaysaa in maskaxda laga xado oo hub run ah loo dhiibo si uu u gumaado shacabkiisa, maadaama yaraantiisii uu jeclaan jiray hub carruureedka iyo in wax ka dilo.

? Ganacsatada Alaabahan keenta waa inaan loo ogolaan inay dalka soo geliyaan hub carruureedkan.

? Carruurta wixii la baro ee lagu tarbiyeeyo ayay Mustaqbalka ku weynaadaan.

Waxaa Qoray: Yaxye Y Khasaaro

Hadalsame Media