Nin soo Islaamay oo OOYIN la dhacay markii ay hal SALAAD ka tagtay 7 bilood kaddib!!

0

(Hadalsame) 31 Maajo 2019 – Mid ka mid ah Telefishanada dalka Brazil laga leeyahay ayaa mar sii horeysay waxaa wareysi lagula yeeshay nin muslim daaciya oo reer Brazil ah waxaana su’aalahii la weeydiiyey ka mid ahaa bal inuu sheego wixii ugu yaab badnaa intii uu dadka diinta islaamka ugu yeerayey wadanka Brazil iyadoo dadka wadankaas u dhashay badankiis aanay diinta islaamka waxba ka aqoon.

Haddaba ninkii daacigii ahaa oo su’aashaas ka jawaabayey ayaa waxuu yiri sidan:

Waxaa isoo mara mar kasta waxyaabo cajiib ah oo yaab leh, balse waxaan si gaar ah u xasuustaa mar anigoo ku sugan masaajid ku yaala Magaalada Sao Paulo ayaa waxaa dhacday in nin magaciisa la yiraahdo Avellino isoo wacay dabeedna waxaa uu igu yiri meesha aad joogtaa ma kaniisad Carabi ay leedahay baa Tvga ayaan kala socdaaye ka dibna waxaan ku iri haa waayo aqoon umuusan lahayn ninkani Masaajidka ana wax kale aan ugu sheego ayaan garan waayey.

Kaddibna waxaa u igu yiri waxaan rabaa in aan diintiina islaamka wax ka ogaado, waxaan ku iri waa arin wanaagsan kaddibna waxyaabo diinta ku saabsan ayaan telafonka ugu sharaxay dabeedna waxan ku iri xagaad joogta horta, waxaa uu igu yiri waxaan jooga Gobolka Pernambuco kaas oo ka fog magaaladan aan joogo 3000 km.

Ninkii waxaan weydiiyey magaalada aad joogto muslimiin ma deganyihiin oo ma joogaan si ay diinta kugu sii sharaxaan? waxuu igu yiri may ma jogaan magaaladan, markaas ayaan telka uga sii sharaxay arkaanta islaamka arkanu iimaanka iyo waxyaabo badan oo diinteena islaamka ku saabsan, kaddibna waanu kala tagnay oo telefoonkii kala dhignay isaga oo aan islaamin weli.

Muddo 4 bilood kaddib ah ayuu isoo wacay 2 saac ayuu ila hadlayey markaas ayuu hadalkii iigu soo gabagabeeyey magaalada Sao Paulo ayaan kuugu imanayaa dhawaan, waa sax ayaan ku iri waxaa uu igu soo celiyey maalintaan imaado ma islaami karaa, haa ayaan ku dhahay waad islaami kartaa, kaddibna markuu 3 cisho jidka ku soo jiray ayuu maalin Jimce magaaladi yimi kaddibna waxaan ka soo kaxeeyey halkuu ku soo degay masaajidkii ayaana keenay.

Markaas ayaa waxaa uu igu yiri in aan islaamo ayaan rabaa oo aan salaada tukado ee ii sheeg walaal sida islaamka loo soo galo iyo sida loo tukado, kaddibna shahaadada ayaan u qabtay ka dibna sida loo wayso qaato iyo suurada faataxada ayaan baray iyo suurada ikhlaas intaa waxaan barayey 9:00 subaxnimo ilaa 5:00 galabnimo.

Markaan intaa si fiican u baray ugana saxay waanu kala tagnay in uu dadka diinta macaan ugu yeerana wuu balan qaaday isaga oo aad u faraxsan kuna qanacsan islaamka uu soo galay ayaanu kala tagnay isna magaaladiisi ayuu ku noqday ana waan iska yara mashquulay waqtigaas ayuu daacigii yiri.

Ninkii 7 bilood kaddib ayuu isoo wacay, waan ka qabtay oo waan salaamay, salaanti ayuu iga qaaday, iska waran ayaan ku iri mudo badan waynu kala mashquulne ? Waan fiicanahay ayuu si daciif ah igu yiri isaga oo ay hadalkiisa murugo ka muuqato, markaas ayuu igu dhahay su’aal ayaan ku waydiinayaa walaalkeyow oo aan ku soo wacay galabta ee iiga jawaab fadlan? Haye ayaan ku iri ee i weydii walaal.

Kaddibna waxuu igu yiri waxaan aaday Cisbitaalka halkaas oo ayeeyday hooyo ay ku xanuunsanayso caawinteeda ayaan ku yara mashquulay marka galabta waxaa iga tagtay Salaaddii casar oo aan waqtigeedi ka yara habsaamay ee maxaa xal ah oo aan sameeyaa dhabtiina wax aan sameeyo waan garan waayey oo waan murugaysnahay ilaa galabta oo dhan.

Dabeeto, wax aan ugu jawaabo ayaan garan waayey waayo 7 bilood Salaadda daqiiqad kama habsaamin siduu ii sheegay galabta mooye ka dibna waan iska ooyey ama ilmeeyay, isagiina wuu si naxay oo wuu ila ooyey, kaddibna waxaan ku iri iska aamus walaalo oo iska tuko oo Alle dambi dhaaf waydiiso Ilaahay waa mid dambi dhaaf badane! Markaas ayuu yara farxay oo igu yiri haye walaalkeyow.

Walaal inaga xaalkeenu waa sidee marka Salaadda la eego inta ay inaga habsaanto oo jameecada kaddib dhacnaa Alle ha inoo naxariisto.

Xigasho: Ing Samaale Maxamed Soomaali

Hadalsame Media