SAWIRRO: Booliiska oo iskugu soo baxay laba atoore oo Hindi ah oo la moodey inay is qarxinayaan (Sababta)

0

(Vasai-Virar) 30 Maajo 2019 – Booliiska ayaa howlgal ”ka hor tag argagixiso” ka bilaabay degmada Vasai–Virar oo ku taalla bannaanka Mumbai kaddib markii uu sarkaal hore uga tirsanaa Amaanka Xuduuddu uu Booliiska u yeeray markii uu arkay laba qof oo uu ka shakiyay oo uu xirnaa ”suumanka is qarxinta” oo jidka maraya.

Labada nin ayaa u lebbisnaa qaabka kooxaha xag-jirka ah, balse waxay ahaayeen laba jilaa (atoore) oo Hindi ah, taasoo la ogaadey xilli ay dadku cabsi darteed isku dhex  yaaceen shalaytoole.

Labada nin ayaa la sheegay inay sigaar ka iibsanayeen dukaan markii loogu yeerey Booliiska oo iyaguna isu habar wacday si ay u ”fashiliyaan weerar argagixiso oo halis ah.”

Booliiska oo kaashanaya kaamirada amaanka ee CCTV, ayaa raadiyey halka ay galeen labada nin, kuwaasoo bas u raacay halkii ay filimka ku jilayeen.

Ugu dambayn, booliiskii ayaa goobtii kaga daba tegey, balse waxay ogaadeen in ”argagixisada” ay cayrsanayaan ay yihiin labada atoore ee Balram Ginwala iyo Arbaaz Khan, kuwaasoo diyaarinayey film uu sameeyay Siddharth Anand, halka qaab lebbiskoodu uu yahay door ay filimkan oo soo socda ku leeyihiin.

Hadalsame Media