FILASUUFKII FOOWDADA AHAA: ”Waxay doonaysey in madaxayga laga fiirsado muuqaalka Shaydaanka!!”

0

(Hadalsame) 30 Maajo 2019 – ”Dad baa kula taliyey boqorkii Cabbaasiyiinta Al-mutawakil in uu ilmihiisa ii keensado si aan wax ugu baro. Boqor ayaa ii yeeray, balse markii uu ila kulmay ayuu aad uga diday foolxumadayda, wuxuuna uga turay ubadkiisa in ay ka argagaxaan muuqayga. Markaas ayuu toban kun oo diinnaar i siiyey oo iska kay fasaxay”- الجاحظ

Abu Cuthmaan Al-Jaaxid, wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu caqliga badnee ee dunida soo maray. Qoraa, faylasuuf, suugaan-yahan iyo caalim aqoon badan kulansaday ayuu ahaan. Wuxuu ka mid yahay horyaalka suugaanyahankii Islaamka ee noolaa casrigii boqortooyadii Cabaasiyiinta.

Magaciisa oo dhammaystiran waa: Camar bin Baxr bin Maxbuub Al-Layth. Wuxuu ku dhashay magaalada Basra – Ciraaq, sannadku markuu ahaa 776M , wuxuuna geeriyooday sannadkii 868 taariikhda miilaadiga.

Abu Cuthmaan Al-Jaaxid wuxuu ka mid ahaa duulka akhriska lagu falay ee kutubta barkada. Wuxuu wax ka akhriyey wax allaale wixii cilmi jiray casrigiisii iyo waxa ay qoreen aqoon-yahankii isaga ka horreeyey.

Fakhrigu wuxuu gayeysiiyey in uu iibsan kari waayo tukubtii uu u baahnaa oo dhan, sidaas darteed ayuu kiraysan jiray si uu habeenkii ugu hoydo goobaha gutubta lagu kaydiyo, markaas ayuu akhrin jiray waxa buug meesha yaalla oo dhan.
Jaaxid wuxuu aad u jeclaa safarka si uu u darso waaqaca iyo kala-duwanaanta degaanka iyo duruufta bulshadii wakhtigiisa. Waxaa kale ee uu jeclaa in uu wax walba barto. Wuxuu u muuqdaa shakhti aqoontu madax-martay.

Kutubtii ay qoreen mufakriinta Gariigga ayuu aad u akhriyey, gaar ahaan qoraaladii Aristotle iyo Plato. Akhriska falsafaddu iyo aqoonta kaleba ma ahayn kuwo uu duuduub ku liqo, waxaa la wariyaa in uu qodob qodob u dul-istaagay qoraaladii faylasuufkii waynaa Aristotle, ilaa uu mararka qaar ku jees-jeesi jiray.

Jaaxid wuxuu ka mid ahaa aqoonyahankii ugu waa waynaa casrigiisii, wuxuuna qoray kutub aad u faraban oo qiyaas ahaan gaaraya 360 buug. Wuxuu wax ka qoray, cilmu-kalaamka, adabka, siyaasadda, taariikhda, akhlaaqda, dhirta, xayawaanka IWM. Kutubtiisa waxaa ugu caabsan saddexdaan kutub: البيان والتبيين وكتاب الحيوان والبخلاء

Ka sokow in uu ahaa caaqil, haddana waxa uu ahaa aqoonyahan xujo adag oo ay adag tahay in mandiq lagaga guulaysto. Rumayta awoodaha caqliga iyo adeegsiga mandiquba waxay ku riixeen in uu ku biiro firqadii Muctasilada oo ahayd koox awoodda caqliga u bogtay oo garaadku hal-beeg u ahaa.

Wuxuu dhab u qaatay afkaartii kooxdan caqliga caashaqday, wuxuuna ka mid noqday culimada ugu waa wayn Muctasilada. Sidaas darted, ayuu ka qoray kutub badan oo uu mad-habkii Muctasilada ku difaacayo iyo qaar badan oo uu ku daraaseeyay duruufihii haystay Mad-hadkiisa. Waana sababta dadku aysan aad ula socon kutubtiisii diinta ku saabsan maaddaama kooxdaas laga laandheeraysan yahay oo inta badan fikirkoodu uusan suuq badan haysan.

Jaaxid wuxuu ahaa mufakir aan nixin. Shakhsiyad cajiib ah ayuu lahaa. Wuxuu ahaa shakhsi jees-jees badan ilaa uu xataa mararka qaar naftiisa ku jees-jeesi jiray. Waxaa la wariyaa in isagu masuul ka ahaa fowdada iyo basar xumada ku dhex-faaftay kutubta adabka carabta. Qaarkood waxay ku eedeeyaan in dooddiisu aysan ku qotamin in xaqiiqada la difaaco, balse ay salka ku haysay in uu ku burburiyo xujooyinka dadka kale si uu ugu muujiyo naftiisa iyo inta kaleba in aysan u babac dhigi-karin cududdiisa caqli iyo xujadiisa mandiqa ku dhisan.

Wuxuu la dhacsanaa ahmiyadda shakigu leeyahay, oo uu rumaysnaa in ay tahay sida kaliya ee yaqiinta lagu gaarayo. Wuxuu weerar ba’an ku qaaday ehlu Xadiiska oo uu ku tilmaamay in ay yihiin duul aan caqliga la kaashan waxa ay warinayaan.

Afkaartii uu aad u diiddanaa waxaa ka mid ah in cayda madaxdu ay fitno tahay, in la lacnadana ay bidco tahay. Wuxuu ku dooday in kuwa sidaas ku doodaya, ay lacnadayaan qofkii qof muslim ah kas iyo camdi u dila. Laakiin, haddii dilaagu noqdo madaxwayne kibray, waxay la soo taagan-yihiin ma istaahilo cay iyo lacnad madaxdu. Ogoobeen waxay inkaari dhacdaa marka culimadu cabsooto, maataduna gaajooto, dabadeedna inta tabarta daran la dulmiyo.

Haddii aad tusaale u qaadanno qaar ka mid ah sheekooyinkii uu naftiisa ka qoray, waxaa ka mid ah sheekadan cajiibka ah ee isaga ku dhacday.

Waxa uu yiri isaga oo ka warramaya naftiisa: Haweenay baa maalin ii timid aniga oo gurigayga hor-taagan. Waxay tiri: ”dan baan kaa leeyahay”, aniguna waan raacay. Waxay ii gaysay mid wax nashqadeeya, deedna waxay ku tiri: ”Kan oo kale”, intaas markii ay ku tiraabtay ayey iska dhaqaaqday. Ninkii baan waydiiyey waxa ay iga rabto. Wuxuu u sheegay in gabadhani doonaysay in loo nashqadeeyo farraanti leh muuqaal shaydaan, deedna ninkii wax sawirayey ayaa haweenaydii ku yiri: anigu waligay shaydaan ma arag ee sidee u sawiraa! Sidaas darteed, adiga ayey ii kaa keentay.

Akhriska iyo doonista cilmigu waa bal-wad oo qofkii joogteeyaaayi uu isku illaawo. Al-jaaxid badwaynta aqoonta ayuu si fiican u dhex-dabaashay, cilmiga iyo kutubtuna waxa ay u ahayd hoy iyo wehel uu kaga nafiso duruufaha nolosha iyo doodaha doqomada.

Waxaa la wariyaa in maalin maalmaha ka mid ah isaga oo da’ah oo gabow iyo fool-xumo ay ooyadiisa ku kulmeen
ay gabar inan ah oo qurux iyo xarrago la tiicaysa u timid, deedna ka codsatay in uu guursado. Al-jaaxid, isaga oo yaabban ayuu waydiiyey gabadhii sababta ay u doonayso guurka odaygan iyada oo heli karta wiil yar. Waxay ku tiraabtay: “waxaan rabaa in aad dhalo ilmo caqli badan sidaada oo kale oo qurux badan sidayda oo kale.” Macnaha ilmo adigana caqliga kaa raaca, anigana quruxda. Isaga oo aan is dhibin ayuu waydiiyey gabadhii, “bal ka warran haddii ay yeeshaan foolxumadayda oo kale iyo caqli gaaga (caqli-xumadaada) oo kale?!”.

Xigasho: Qaamuus Nuur Dirir

Hadalsame Media