Xog aragti cusub oo aan horay loo ogayn ka bixinaysa mabda’ii SAYIDKA oo soo daahirtay (Warqad uu u qoray Britain)

0

(London) 26 Maajo 2019 – Waraaq uu Sayid Maxamad Cabdulle Xasan u qoray Dawladda Ingiriiska sannadkii 1908. Waxaan ka soo xigtay buugga Somali Nationalism ee uu qoray Saadia Touval, 1963.

“Waxaan si xushmad leh rabaa in aan idinku ogaysiiyo in aan ahay nin nabad la ah Dawladda Ingiriiska, weligeyna iskuma dayin in aan been idiin sheego. Intaas aan waraaqda ku xusay waa run, balse inta badan dadka aad la hadashaan been ayay iiga kiin sheegaan, waana in aad ogaataan dhamaan Soomaalidu waxa ay ka hadlayaan aniga iyo sidii ay dhagar iigu maleegi lahaayeen.” ayuu ku bilaabayaa.

”Shaki na kuma jiro in ay idiin sheegi doonaan Daraawiish baa waxaas-iyo-waxaas sameysay .. Yeelkeedi inkasta oo Soomaalidi sidaas aam kor ku xusay ii la dhaqmeen haddana waxa iigu wacaan in aan ahay “nin xun,”heesaabduqoobay,” “mooryaan,” “qaswade,” “tuug”…. Waxaan idinka codsanayaa hadda waa ammaan iyo nabadgelyo, iyo in aad gacan ii soo fidisaan oo nabad ka dhex dhalisaan aniga iyo Soomaalida” ayuu daba dhigay.

Qoraaga buuggu waxa uu qoraalka Sayidka ku tilmaamay in uusan ahayn afkii ama luuqaddii lagu yaqiin NIN XORNIMO DOON AH.

Asaga oo arrintaas ka sii hadlayana waxa uu yiri qoraagu: “Waddaniyiinta casrigu waxa ay sheegtaan in ay u hadlaan dadkooda kuwaas oo ay caadiyan magaca qarankooda ugu wacaan sida (Somalis, Arabs, Hungarians and so on).

Si la mid ah , Soomaalida waddaniyiinta ee casrigu waxa ay sheegtaan in ay u hadlaan qarankooda waxa ayna ku dadaalaan in ay la dagaallamaan qabyaaladda ayaga oo kor u qaadaya soomaalinimada.”

Sidoo kale qoraaga buuuggu waxaa sheegay in Sayidku ka dheeraaday adeegsiga magaca “Soomaali” mar walbana uu adeegsan jiray “Daraawiish ama Darwiish.”

Tixraac: Fiiri buugga “Somali Nationalism”, Saadia Touaval, Harvard University Press. 1963. Bogagga 58-59

Waxaa Tarjumey: Cali M Diini

Hadalsame Media