Taliyihii Jeelka Jigjiga oo gacanta lagu dhigay isagoo baxsad ah (Halkee lagu hayaa?)

0

(Jigjiga) 26 Maajjo 2019 – Taliyihii Xabsigii dadka Soomaaliyeed aadka loogu ciqaabi jirey ee magaalada Jigjiga ee Gobolka Soomaalida ayaa gacanta lagu dhigay.

Ninkan oo lagu sheegay nin aad u naxariis darraa ayay ciidamada amaanka Somalia kasoo qabteen magaalada Goldogob ee gobolka Mudug, Somalia.

Ninkan oo lagu magacaabo Xasan Ismaaciil Ibraahim ayaa la sheegay in haatan loo gudbiyay magaalada Jigjiga oo haatan lagu hayo, iyadoo ay la wareegeen maamulka halkaasi.

Xabsigan oo lagu naanaysi jirey ”Jeel Ogaadeen” ayaa la sheegay in lagu hayey dad 1,000 ka badan, kuwaasoo halkaa loogu ciqaabi jirey si ka baxsan insaaniyadda iyo qaab kasta oo uu qof u fikiri karo.

Hadalsame Media