DEG DEG: Itoobiya oo ka hadashay khariidaddii lasoo dhigay Wasaaradda A. Dibedda

0

(Addis Abeba) 26 Maajo 2019 – Dawladda Ethiopia oo ka hadashay khariidad xalay lasoo geliyey bogga rasmiga ah ee Wasaarad Dibadeedka dalkaasi ayaa sheegtay inay ka xun tahay arrintaasi oo ay ku tilmaantay ”khalad farsamo” oo dhanka IT-ga ah.

Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopiaayaa lagu sheegay in khariiraddaasi ay ahayd mid ku dhacday “khalad ah oo aan la aqbali karin”.

Waxay Wasaaraddu intaa raacisay in isla markii ay ogaatayba ay maabkaasi ka saartay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Ha yeeshee, Itoobiya marna raalli gelin toos ah kama bixin arrintaa xasaasiga ah.

Waxay kaloo sheegtay inay ka xun tahay wixii jahawareer ama is-faham-darro ah ee ay arrintaasi abuurtay. Waxaa kaloo khariiradda lasoo bandhigay ee markii dambe la tiray ka maqnaa dalka Suudaanta Koonfureed.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa durba baraha bulshada isku waydiinaya su’aal kale oo ku aaddan sababta uu sawir noocan ihi u yaallo Wasaarad Dibadeedka Itoobiya.

Lama se oga inay DF Somalia ay arrintan sharraxaad ka waydiin doonto Itoobiya iyo in kale.

Hadalsame Media