SOO JEEDIN: Halla baaro salka ”is-fahamka” ay Kenya sheegayso si cashar looga barto!

0

(Hadalsame) 24 Maajo 2019 – Arrimaha muranka geliyay dhulka Soomaaliya iyo khayraadkiisa, waa mid habboon in runteeda iyo siday wax u dhaceen ee dhabta ah la ogaado.

Waxay Kenya ku doodeeysaa Inay heshiis is fahan ayla gashay dowladda Soomaaliya, taas awgeed waa In helaa Guddi Madax banaan (independent Commission) oo baaris ku sameeya arrinkaas iyo xogta dhabta ah ee ka dambeeysay.

Dowladaha aduunka maanta ka jira ee ku dhaqma nidaamka dimoqraadiyada, haddii ay dhacdo arintan oo kale waxaa khasab noqota in la baaro si uusan khaladkaasi oo kale dib ugu soo noqon dalka, waxna looga barto.

Arintaan waa in la helaa wadamo dhexdhexaad ah oo naga caawiya baaristaas sida Malaysia iyo Indonesia, tasoo aan ka wado in baaristaasi noqoto mid nadiif ah.

Sedee bay ku dhacday arinkaan? Waa su’aal qof kastoo Soomaaliyeed is weeydiinaayo, xaq bay u leeyihiin inay shacabku ogaadaan arinkaan wixii ka run ah.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media