”Eeyga ula dheel si DEBECSAN inta aad ka heleeyso DHAGAX aad ku dhufato!”

0

(Hadalsame) 24 Maajo 2018 – Jawaabta ay ka bixisay dowladda Soomaaliya ficilladii xumaa ee Kenya ku kacday waxay Soomaalidu kala hortagtay falcelin taban. Ilaa shalay qaar badan oo asxaabtayda ka mid ah waxay go’aanki dowladda ku tilmaamayeen mid ihaano iyo dulli Soomaali ku riday. Anigu taas lidkeeda ayaan qabaa. Waxaan aamminsanahay in go’aan fiican oo caqli, aqoon iyo ilbaxnimo ku dhisan ay dowladdu qaadatay. Waayo muhiimmaddu waa inaad yoolkaada gaarto jidkaad doonta u mare.

Diblomaasiyadda tan ugu wacanna waa inaad taqaan tabartaada. Will Rogers ayaa laga hayaa “diblomaasiyaddu waa inaad eyga si dabacsan ula cayaarto inta aad ka helayso dhagax aad ku dhufato”. Hadalka Will Rogers waxaa ficil ahaan horay ugu sameeyay guul weyna ku gaaray hoggaamiyihii caanka ahaa ee Khaalid Fiqi Xasan Allaha u raxmadee.

Muddo haatan laga joogo qiyaasti 250-300 oo sano ayaa gobalka Gedo waxaa yimid qoysas beeshaMareexaan ka dhashay oo deegaan doon ah. Dadki ay u yimaadeen soo dhaweyn kalama kulmin. Waxay wajaheen xaalad adag xag amni iyo mid nololeedba. Dil iyo dhac ayaa joogta looga dhigay. Ihaano, dhago hadal iyo dharbaaxo ayaa loo joogteeyay. Wuxuu xaal sidaa ahaadaba wuxuu dhibki soo gaaray odaygii beesha oo la oran jiray Khaalid Fiqi Xasan kaasoo willkiisi barqo cad ableey beerka lagu jaray.

Shir dag dag ah ayaa la isugu yimid si looga arrinsado dhibka cusub. Intii badnayd dadki geedka yimid waxaa haysay xamaasad iyo caro. Waxay si aan kala har lahayn isugu raaceen inaan sidatan lagu sii jiri karin sidaas darteed dagaal aargoosi ah la qaado. In nala wada dilo ama aan dib ugu qaxno halkii aan nimid ayaa dhaanto waxa aan ku noolyahay ayay ku celceliyeen.

Allaha u Raxmadee Khaalid oo ahaa diblomaasi caaqil aragti fog leh ayaa warki ugu danbayn qaatay. Wuxuu yiri “ninki wiilkiisa la dilay soo aniga maaha” haa ayaa loogu jawaabay. Inaad ii aartaan soo ma rabtaan? Haa ayaa hal cod lagu yiri. Xoolo aan kuwii wiilkayka dilay u geeyo i siiya ayuu yiri. Maxaa kuugu wacan dullinimadaan aad qaayibayso ayaa lagu yiri?

Wuxuu yiri “Inti wiil maanta dhashay hal naas geed ii gaarayo mid iga maqanna ii imaanayo ayaan la sugayaa”. Sidaas ayaa mag loogu geeyay raggii dhagarta qabay ee filayay duullaan aargoosi ah inuu kusoo socdo. Markuu u yimid Khaalid wuxuu ku yiri wiilkaygi ayaa disheen xoolahaanna waxaan idinkugu keenay inaad dhiiggiisi idin gaaray aad isaga mayrtaan iskana kaaya daysaan. Iyagoo ka yaabban fulaynimada (sideey iyaga la ahayd) Khaalid iyo raggiisi ayay ku heeseen

Ayadoon la is daarin hadduu diyo keenay
Markii la is daaro dad nool buu keeni.

Riyadii Khaalid waxay rumowday qiyaasti 150 sano ka dib. Iyadoo wali dhib iyo colaad joogta ah lagu noolyahay laakiin sidii hore laga xoog badan yahay ayaa waxaa dhacay jabkii daraawiisheed. Marki ciidanki Sayidku kala qaxay oo qolaba meel afka saartay ciidan xooggan oo daraawiish ka tirsanaa kana soo jeeday beesha Marreexaan ayaa Gedo usoo jihaystay. Ciidankaan oo watay hub casri ah markuu Gedo soo gaaray waxaa is rogtay kafaddii dagaalka.

Haddii awal hubku ahaa waran, billaawe iyo qaanso iyo leeb ciidankaan wuxuu la yimid Maadhiin iyo kow-iyo-tobanle 20 mitir ka fog wax ka dilo. Waqti yar gudahiis dhulkii wuxuu isu baddalay sidii uu rabay Khaalid Fiqi xasan. Waxaa xaqiiq ah haddii ficil aargoosi ah maalinti wiilka la dilay la qaadi lahaa in aanan marnaba si buuxdo Gedo dhul Mareexaan u noqoteen haddanba laga tirtirin.

Waxaa laga yaabaa inaad tiraahdo labada qaddiyadood isma laha. Mid waa dad yar oo dhul aysan lahayn doonayay midna waa dhul lagu soo duulay oo dal dhan ka dhaxeeyo.

Marki aad eegto xaaladda dadlkeenu maanta ku jiro iyo sida uu dadkeennu yahay labada xaaladood waa isku jaad. Kow, muran kama jiro inay Kenya maanta naga xoog badan tahay xag ciidan iyo xaag maaliyadeedba. Dhulka la isku hayo maraakiibteeda ayaa hoganayso innaguna ma lihin maraakiib weerarto.

Labo, ciidankeedu wuxuu joogaa dalkeenna isaga ayaana ah midka ilaalinayo xudeedka aan isku hayno oo hadda ciidan aan keeda ahayn iyo ku iyada u shaqeeyo mooyee mid kale ma joogo xuduudka. saddex, maanta inta badan madaxda iyo ganacsatada soomaaliyeed Kenya oo burbur gaaro ayaa ooga daran Soomaaliya oo dhul badeed lumisa. Dhammaan shirkadaha soomaalida maal badan ayaa Kenya ooga jiro ilaa haatanna maalgalin ayay ku wadaan. Sidaa darteed ma aqbali karaan dagaal ay u arkayaan inuu maalkooda waxgaarsiin doono marki dhabta loo tago.

Afar dhulka iyo biyaha la isku hayo waxaa hadda ku magacaaban maamul Kenya ay dhistay oo danaheeda ka shaqeeyo. Hadalkii maanta kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan waa mid si cad noo tusayo safka uu maamulka Jubaland gali lahaa hadduu dagaal qarxo.

Dhabti hadalki Maxamud Sayid waa mid tusaale u ah in qaar badan oo ka mid ah madaxda Soomaalidu aysanba ka warqabin dhulkooda la qaatay. Dadka noocaas waligood waa jireen. Maalinta aan kasoo sheekaynay ee geedka loo fadhiyay wixii laga yeeli lahaa Booran iyo dilkii wiilka Khaalid, waxaa jiray nin geedka fadhiyay oo aamusnaa intuu hadalku socday oo dhan.

Marki uu Khaalid hadalki gooyay ee la yiri ha la dareero ayuu gacanta taagtay oo yiri hadal ayaan qabaa. Waxaa la is yiri amuu talo cusub keenaa. Wuxuu yiri “tolow wiilkaan ina Muxumed Garweyne ah iga qabta. Habayn walba saar aan xirtay ayuu iga dhabqiyaa. Haddii aad iga qaban waydaan labo gudub ayaan ka dhigi”. Waxa tolkiis dhib u yaal oo xaalku marayo ma qaxnaa mise waa dhimannaa isagu waxay u joogtaa saar ayaa la iga bannaday. Maxamuud Sayid iyo kuwa la jaalka ah maanta halkaas ayay u joogtaa.

Tusaale kale oo qiimo badan waxaa noo ah sida shiinuhu ka yeelay badda loo yaqaan South-China Sea. In badan dhulbadeedkaan waxaa Shiine ka qabsaday dowlado yar yar oo ree Galbeed gacan ka helayay. Shiine markii uu soo xoogaystay, maxadiisu waxaa caqabad u noqotay sidii ay ka yeeli lahaayeen baddaan. Haddii ay ku duulaan waxay ogaayeen in dagaalka ay soo gali doonaan Maraykan iyo xulufadiisa taaso aysan markaas u birdhigi karin.

Waxay doorbideen inay iska indha-tiraan. Madexweyne walba oo yimaado shacabka Shiinaha ayaa waydiin jiray goorma ayaa la soo dhicin doonaa badda naga maqan iyaguna waxay ku jawaabi jireen wali waxaan dhalan fici soo dhicin lahaa. konton sano ayaa sidaas ku dhammaatay. Maanta ayay Shiine u muuqatay inuu leeyahay awood uu ku soo ceshan karo dhulka ka maqan wuxuuna habayn modow ciidan keenay meelihii la isku hayay.

Sidaas darteed dowladda oo og inta aan soo sheegnay uma furna booto, hanjabaad iyo abuurid xaalad keento xariir xumaado oo u baahdo dhexdhexaadin iyo gacan saddexaad taaso ah midda Kenya u ordayso. Sida saxda aniga ila ah waa in af wanaagsan lagu hadlaa, la is dabciyaa la isuna muujiyaa in aynu nabad doonayno ilaa aan ka gaarno maalin aan awood nagu filan leenahay ama xukunka ICJ uu dhaco ama laga fursan waayo isdifaacid hubaysan.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: Humbaale.com

Hadalsame Media