Kenya oo uu XAFIILTANKU la galay meel aad u xun (Arrin lala yaabban yahay oo dhacday!)

0

(Nairobi) 23 Maajo 2019 – Waxaa bilihii dambe Kenya ka socotey siyaasad dhadhan ahaan aan xitaa u qalmin midda hoggaamiye kooxeedyadii/a Soomaalida, taasoo ay dad badan Kenya u sheegeen inay iyadu is bahdilayso inta aysan qof kaleba gaarin.

Kaddib cayrintii deg degta ahayd iyo soo celintii Danjiraha Somalia, xiris furistii hilinno badan oo kala dhexeeyay Somalia iyo xayiristii madax ka tirsan DF Somalia oo ay dal-ku-galka u diiddey ogaysiis la’aan, waxaa haatan dhacday arrin kale.

Wasiirad Dibadeedka Kenya, Monica Juma, oo ka mid ah muhandisiinta siyaasad ay Kenya ku sheegtay ”weerar diblomaasiyadeed” oo Somalia ka dhan ah, balse aan ilaa haatan sina micne u samayn ayaa si ula kac ah u inkirtay Wasiirka Waxbarashada Somalia.

Waxay Twitter-keeda rasmiga ah kusoo qortay sidatan:

”Waxaan la jiraa Sharafle Abdirahman Mohamed Abdolle, Wasiirka Waxbarashada DF Somalia, kaasoo ka yimid magaalada Muqdisho.”

Tweet-kani ma aha khalad dhacay, waayo haddii uu yahay waa la masixi lahaa isla markiiba, balse ilaa waqti xaadirkan oo ay 20 saacadood ku dhow dahay markii lasoo dhigay weli wuu saaran yahay Twitter-ka Wasiiradda, weliba Wasaaraddani waa midda ku shaqada leh la socoshada waxa ka jira dalalka kale.

Arrintan ayaa muujinaysa siyaasad naf la caari ah oo aan xitaa u adeegaynin maslaxada Kenya lafteeda, dad badan oo ka tirsan dowladaha iyo hay’aadka caalamiga ihina uga digeen.

Hadalsame Media