Kenya oo caddaysatay inay ma murugaysan tahay kana masayrsan tahay horumar ay Somalia gaarto (Arag wargaysyadooda)

0

(Nairobi) 23 Maajo 2019 – Wargeyska The standard ayaa saaka sheeko dheer uu ka qoray xiriirka mugdiga uu hareeyay maalmahan ee Somalia iyo Kenya waxa uu ciwaan uga dhigay “Muxuu yahay sasaka ay Kenya ka qabto Soomaaliya?”.

Sheekadan ayaa lagusoo hadal qaaday in Xukuumadda Nairobi ay walaac ka qabto deyn cafinta loo sameynayo dalka Soomaaliya, booqashadii taliyaha ciidamada Africom ee Mareykanka Soomaaliya ku tagay kol hore , Ciidamada DANAB ee lasoo baxaya cududda xooggan iyo kulankii RW Kheyre uu la yeeshay Madax sare oo ka socotay Bank-ka adduunka, hay’adda IMF iyo Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka.

Wargeyska ayaa sheegay lacagaha deyn ahaanta looga cafinayo Soomaaliya ay gaarayaan $5 bilyan oo doolar. Warbixinta ayaa lagu xusay in Kenya ay aad ula yaaban tahay sababta dalkan ka biixya kabanaya colaadaha sokeeye sidaan oo dhan loogu siinayo muhiimadda.

Dhinaca kale Wargeyska The Daily Nation ee kasoo baxa Magaalada Nairobi ayaa qeybta kartuunka waxa uu kusoo bandhigay sawirro loo ekeysiiyay Madaxweynayaasha labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya ee Kenyatta iyo Farmaajo, Madaxweynaha Kenya sawirka u muuqanaya ayaa loo xiray Qiimiis madow ah, Cimaamad iyo Cigaal.

Miiska u dhexeeyo ayaa la hoos dhigay Foosto lagu qoray “Oil” oo uu micnaheedu noqonaya Shidaal, waxaana lugaha dul saartay Sawirka u ‘eg Madaxweyne Uhuru Kenyatta. sawirkan ayaa u muuqanaya in lagu soo koobay nuxurka is fahmi waa’ ee ka dhexeeya labadan dowladood, iyadoo ay Kenya isu sawirayso sidii inay rakaataynayso soo saarista saliidda Somalia si aanu dalku u dhaqaaqin.

Xaaladda ayaan la saadaalin karin sida ay noqon doonto, walow shalay Soomaaliya ay soo saartay war saxaafadeed nuxurkiisu ahaa Iney ka xuntahay talaabooyinka aan farxad gelin ay Dowladda Kenya ku dhaqaaqday.

Diyaariye: Cabdulcasiis Axmed Barroow

Hadalsame Media