FALANQAYN: Muxuu muujinayaa warka MW Xigeenka Jubbaland ee Muranka Kenya? (Dhegeyso kaddibna akhri lafa-gurka aan ku samaynay)

0

(Hadalsame) 23 Maajo 2019 – Warka nimanka maamullada marka aad dhegeysato ama akhriso waxaad dareemaysaa in dooddoodu aanay xitaa ahayn mid xirfadaysan ee ay shacabka isu caddaynayaan iyagoo ka safanaya isla dalkoodii una doodaya dalal kale oo shisheeye oo ay geed fadhi ugu yihiin istaraatijiyado gurracan oo ay dalka ka leeyihiin.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay muran diblomaasiyadeed ee ay Kenya iskeed u bilowday una waddey beryihii iyo bilihii dambe.

Ninkan ayaa isaga oo la hadlayay VOA wuxuu sheegay in 30-kii sano ee lasoo dhaafay uu wanaagsanaa xiriirka u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, sidaasi darteedna loo baahan inay dib u wanaajiyaan xiriirka labadooda u dhaxeeya.

Halkan ka dhegeyso….

“Waad og tahay sanadihii ugu dambeeyay labada dowladood xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeyay, waxaa la rabaa in dowladda Soomaaliya ay ka qanciso shacabka Soomaaliyeed sida dhabta ah ee ay wax u jiraan” ayuu Maxamuud Sayid Aadan ku yiri VOA.

Falanqaynta hadalka Madaxwayne Xigeenka Jubbaland:

”Waad ogtihiin 30-kii sano ee ugu danbeeyay annaga iyo Kenya waxaa naga dhaxeeyay iskaashi amni, iyo xiriir wanaagsan, wixii kalifay in uu xiriirkaa xumaado waxaan rabnaa in ay dowladda Soomaaliyeed cadeyso,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Yacni Mudanuhu maba oga waxa laysku haysto, in Kenya ay sheeganayso DHUL-BADEED Soomaaliyeed oo weliba gobolkiisa dhaca iyo gobolka uu madaxnimada ka sheeganayo laftiisa, taasoo noqonaysa inkiraad cad, waxaa kale oo kelmaddan ku jirta ”DF ha caddayso ama dadka haka qanciso” oo markii sadarrada dhexdooda la akhriyo noqonaysa in uu iyada ku eedaynayo inay xiriirka xumaysay, inagoo og in ay shacabkuba DF ku eedaynayaan inaysan jawaabo kulul siinin Kenya.

Waxaa kale oo warka mudanaha ka mid ah in uu jirey ”xiriir wanaagsan oo iskaashi” – Marka hore in xiriir horay loo lahaa qiil u noqon mayso inaan xiriirku xumaan karin, balse horta waa noocee xiriirka ka dhexeeya Somalia-Kenya? Ma yahay xiriir ay dowlado samaysteen mise waa mid duruufi keentay?

Somalia wax xiriir ah oo la taaban karo dowlad ahaan abid lama yeelanin Kenya, waloow ay jirtey in ay labada dal macaamilayeen misna xilliyadii burburka ka horreeyay Kenya lama lahayn xiriir ridan, si kale haddii loo yiraahdo waxaan la lahayn xiriir koontarobaan ah, waayo waloow badeecado laga keeni jirey misna badankoodu qaab sharci ah dalka kuma soo geli jirin.

XIRIIR DARUUFEEDKA 30-KA SANO – Mudadii burburka kaddib Soomaali badan oo habqan ah ayaa Kenya u qaxday, Kenya oo qayb ahaan gudanaysa waajib qaanuuni ah oo caalamiyan u saaran waxay dadkaasi u ogolaatay inay degaan xeryo qaxooti oo inta badan ku yaalla dhul Soomaaliyeed. Xeryahaas waxaa lagula kacayay kufsi, baad, dhac iwm.

Waxaa kale oo ay Soomaali badani degtey dhulkana ka kicisay xaafadda Eastleigh oo ahaan jirtey xaafadaha ugu liitey magaalada Nairobi guud ahaan, haatanna ah xaafadaha soo saara dakhliyada ugu badan ee ay canshuur ahaan u hesho Kenya maamul iyo dowlad dhexe ahaanba. Waxaa dheer oo aad u kobacday faa’iidooyinka ay Kenyan-ku ka helaan hantida ma guurtada ah sida guryaha oo ay Soomaalida lacago caqli ka fooq ah uga ijaaraan.

Weliba ma aanan sheegin bahdilka iyo baadda joogtada ah ee lagula kacayo Soomaalida halkaa joogta, beri dhowayd waa tii haween iyo carruur lagu guray garoonka ciyaaraha ee Kasarani, taasoo ay xitaa saxaafadda Kenya barbardhigtay xeryihii uu Hitler Yuhuudda u sameeyay. Mana sheegin dhallinyaro badan oo halkaa ay dileen isla booliska dalkaasi iyadoo aan la sharrixin sababta.

Xiriirka kale ee Kenya Somalia kala dhexeeya waa sunta qaadka oo ka mid ah waxyaabaha dalka ka dhigay mid waalan oo mirqaansan, maadaama ay xilalka sidoo kale qabtaan dad qayila oo wax kasta ka hor marinaya qaad, ku darso in Kenya ay aad uga macaashtay sharikaadka iyo hay’aadka caalamiga ah oo ay qaarna kasoo qexeen qaarna burburkii kaddib Somalia ka shaqaynayeen oo dalkeeda saldhigtay, sidaa darteedna, hantida ay ku howlgalaan (operational costs) 60-70% waxay ku baxaan Kenya.

Aanu ku darno inay KDF 2011 iskeed Somalia u gashay wixii xilligaa ka dambeeyayna ay tacaddiyo badan kula kacayeen Soomaalida halkaa, marka laga soo tago duqaymaha aan loo aaba yeelin, lakala safashada Soomaalida iyo qaybinteeda, dhoofinta dhuxusha iyo badeecooyinka kale ee koontarobaanka ah, waxay Kenya sidoo kale burburisey kaabayaal isgaarsiineed oo ay lahayd shirkadda Hormuud oo adeeg siinayay kumannaan Soomaali ah, kuna kacayay adduun lacageed oo badan. Waxaad ku dartaa in joogistoodu ay lacagaysan tahay oo balaayiin shilin beesha caalamka uga qaataan inay Somalia ”nabadeeynayaan.”

XIRIIRKA WANAAGSANI WAA KAAS

Warka ina Sayid Aadan waxaa kale oo ka muuqata hal arrin oo kusoo noqnoqota koorsada ay ku qulqusho siyaasadda maamulladu, tusaale ahaan beri dhowayd waa kuwii lahaa 90% annagaa waddanka ka talinna xitaa arrimaha dibeddana waa in nalakala tashadaa, waa kuwaa diiddan heshiisyada caalamiga, balse markii lala hadlayo dowladaha dibedda sida Kenya wuxuu farta ku fiiqayaa DF, wuxuuna iska ilaalinayaa hal eray oo Kenya ka dhan ah, balse wuxuu ilaa xad u hadlayaa Kenya oo waa kaa sheeg sheegaya ”xiriir wanaagsan”, inagoo og in xiriirka Kenya uu yahay mid ”DULIN” ah (parasitic).

Gebagebo, waloow ay Soomaali badani ku nooshahay Kenya, ganacsina ku leedahay, sida ay dunida kaleba ugu nooshahay amaba annaga dalkeenna ay qoowmiyado kale ugu nool yihiin, misna taasi keeni mayso inaan u hoganno Kenya heer aannu wejiga ka qarsanno, waxaa kale oo hubaal ah in xiriirka Somalia-Kenya uu inta badan faa’iido u yahay Kenya in ka badan inta uu u yahay Somalia.

Waxaa kale oo hubaal ah in ay meel xun caga dhigan doonto qaabadda qaran la dirirka iyo is burburinta (self destructive) ah ee ay u dhisaalan tahay siyaasadda maamullada oo aan marnaba abbaarin howlihii loo sameeyay oo ah inay adeegyada qaar siiyaan dadka ku nool gobolladooda, balse taa biddaalkeeda ay dowladda isku dhereriyaan ama shisheeyaha u garba duubaan, u doodaan, una daneeyaan iyagoo sidii aan qoraallo hore ku sheegnay aan marna ka hadal danta qaranka iyo isku duubnida dadkiisa.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

Facebook Comments