SOMALIA VS KENYA: Boog kor laga dhayayo HOOS kama bogsooto

0

(Hadalsame) 22 Maajo 2019 – Xaaladda taagan ee waddankeena iyo dowladda aan deriska nahay ee Kenya waxaad moodaa inay tahay boog kor un laga dhayayo oo la hoos laga dhayeynin maahmaaj ayaa tiraahda“Milil guudkii lama dhayo“.

Arriman in muddo ayay taagnaayeen sida cadna lagama gaarin xal waara ama heshiis iyo is afgarad qodobaysan. Xaaladdu ayadoa cakiran aadna loo kala fogyahay, haba yaraate wax waan waan ahina aysan jirin ayaa Madaxweyne Farmaajo si lama filaan ah uga soo duulay xarunta dalka itoobiya magaalada Adis ababa asago gacanta uu ka hayo Abiy Axmed hoggaamiyaha itoobiya.

Iyadoo inta badan bulshada soomaaliyeed kulankaas iyo qaabkuu u dhacay ka jiyo diideen waxaa uu qaab baal marsan hannaanka diblomaadiyada Madaxweyne Farmaajo u maray wada hadalkaas.

Ayadooy sidaas tahay haddana lama raacin waddo cad oo lagu xalin karo is diidooyinka iyo is maandhaafki siyaadadeed ee muranka dhaliyey iyo waxyaabihii lagu kala tagsanaa, loomana saarin gudiyo labada dhinaca arrimahaas lafa guta si habboon oo waafaqsan hannaanka diblamaasiyadeedba uga wada xaajooda.

Wali lama hayo mana la maqal gudi wada xajood oo dowladda soomaaliya u saartey arrinmahan nagala dhaxeeya Kenya iney ka soo talo bixinayaan.
Is qoonsiga dhul ama bad laysku qabsado iyo arrimo kaleba dunida oodhan iyo dalalka deriska waa ka dhacaan waxaase jira qaab loo maareeyo loona maamulo.

Inkastoo arrinta badda marnaba aysan ahayn mid quman in laga wada hadlo maro hoosteed maxaa yeelay waa kiis maxkamadda caalamka yaal in hoos loo wada hadlaana waxay burineysaa dacwadii aan badda ka geynay ee aan weli xukunkeedu dhicin.

Waxaase jira guluf kale oo badan oo Kenya wado kan ayaa la rabaa dowladda Soomaaliya iney muujiso go‘aan cad oo madaxdu dalku ka soo saaraan, Madaxweynaha iyo Ra‘iisalwasaaraha gaar ahaan.

Sidoo kale qanjiirooyinka iyo daandaansiga siyaasadeed ayaa la rabaa in falcelin ka habboon laga siiyo Kenya.

Haddii Kenya sidan hawsha ku wado mar walbana jugtu soo gaadho dadweynaha iyo laamaha dowladda madaxduna ka gaabsato.

Taasi waxay muujineysaa habacsanida hoggaanka dalka iyo waayo aragnimo la‘aantooda aysan ku dhiiran karin iney go‘aan cad ka qaataan gardarada Kenya.

Soo jeedin

Waxaan soo jeedin lahaa anigoo ku salaynaya aragtideyda arrimahan:

Maadaama khilaafka noo dhaxeeya salka ku hayo Badda Soomaaliya, ma aha in dowladdu ka meermeerto ee waa inay caddeysaa mawqifkeeda siyaasadeed, una sheegta Kenya inay ku kalsoonaato wixii ka soo baxa maxkamadda iyo go‘aankeeda.

Sidoo kale waa inaysan dowladda soomaaliya marnaba aqbalin cagajugleyn, liidid iyo handadaadaha uga imanaya kenya, sida Safiirka la eryey, Baaritaanka Wajeer, Fiisaha loo diiday diblomaasiyiinta iyo dhaqdhaqaaqa ka dhan ka ah ganactada soomaaliyeed.

Wixii aan ahayn badda waxaa quman in laga wada hadlo, si kore oo aan qarsoodi ahayna Kenya loogu sheego.

Haddii Kenya diido sidaa waxaa quman inaan:

1.Xuduudaha kala xirano
2. Ganacsiga la joojiyo
3. Ciidankoodu dalka ka baxo
3. Dhammaan xiriirka labada dalna la jaro.

Balse haddaan maalin walba aan madaxa hoos u dhigno waxba noma hagagayaaan, gardarada Kenyana ma dhammaaneyso.

Haddii dowladda Kenya xal iyo wada noolaansho iyo derisnimo rabto:

1. Waa inaysan siyaasadeyn isku socodka labada waddan
2. In la fududeeyo dal ku galka labada waddan
3. Meeshana laga saaro wada hadal ku saabsan dacwada badda oo loo daayo maxkamadda iyo go‘aankeeda.

Wabilaahi Towfiiq

W/Q: Cabdullaahi Mahdi

Hadalsame Media