”KA BAX SHIRKA!” – Xil-dhibaanad sabab la yaab leh looga bixiyey Baarlamanka oo kal-fadhi ku jira!

0

(Kech) 22 Maajo 2019 – Mahjabeen Sheran, oo xubin ka ah Baarlamaan Goboleedka  Balochistan ee Pakistan, ayaa madashii laga cayriyay kaddib markii ay kalfadhiga keentay wiilkeeda oo xanuunsan, waxay se ballan qaadday inay u ololayso in xarumaha dowladda loo sameeyo meel carruurta lagu hayo xilliyada shaqada (day care).

Sheran ayaa lagu dhaleeceeyay inay Baarlamanka la timid wiilkeeda 7-jirka ah oo xanuunsanaa isla markaana aanay guriga uga soo tegi karin, waxaana lagu armay inay shirka ka baxdo.

“Waxaan ku tallamay inaan wiilkayga guriga la joogo iyo inaan shaqada la tago, marka waxaan go’aansaday inaan shirka la imaado waayo ma doonaynin inaan ka baaqdo,” ayay Sheran u sheegtay Al Jazeera.

Sheran waxay kasoo jeedaa degmada Kech ee gobolka Balochista, iyadoo Baarlamaanka gobolka ku biirtay 2018, waxay se dhib ku qabtaa arrintan.

“Waan yaxyaxey maxaa wacay raggii kal-fadhiga joogey waxay kaftan iyo maad ka dhigteen cunugga aan meesha keenay. Markaas waxaan sugayey qof ii istaaga oo i difaaca, balse taasi may dhicin.” ayay ku calaashay Sheran oo dhowr jeer horay u codsatay in Baarlamanka loo yeelo meel yar oo carruurta lagu hayo, balse xoghaynta ayaa uga dhaaratay.

“Waa in la ixtiraamaa haweenka shaqeeya ilmana haysta, waa howl adag, oo aanu caqabado kala kulanno si joogto ah.” ayay raacisay.

Hadalsame Media