Diblomaasi & Wasiir hore oo muhim ahaa oo ku dhintay qaraxii maanta

0
(Muqdisho) 22 Maajo 2019 – Qarax aan loo aaba yeelin oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa gaystey waxyeello kala duwan oo isku jirta dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.Waxaa dadkii qaraxaa ku dhintay ka mid ahaa Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda dowladdii KMG aheyd Xuseen Ceelaabe Faahiye, oo sidoo kale soo noqday Agaasimihii u horeeyay ee Wasaaradda Qorsheynta xilligii Dowladdihii hore.

Ceelaabe, wuxuu ahaa Khabiir si wayn loogala tashan jirey arrimaha qorsheynta iyo dibedda, sidoo kale wuxuu ahaa dadkii aan ka bixin dalka intii socdeen dagaaladii sokeeye waxaa uu u taagnaa nin u taagnaa midnimada umadda.

Waxaa sidoo kale weerarkaasi ku geeriyootey sarkaalad la oran jirey Faay Cali Raage oo ka tirsanayd Ciidamada Xoogga iyo xaajigii qabey Md Geeseey iyadoo ay dad kale oo badani ku dhinteen kuna dhaawacmeen.

Qaraxyada noocan ah ayaa haatan foodda sii gelinaya sanadkii 15-aad oo ay si joogto ah u socdaan ilaa haatanna ma jirto guul lagu soo hooyey iyo sabab la fahmi karo oo ka dambaysa, marka laga reebo in la laynayo uun dad Soomaaliyeed oo uu dilayo qof aysan waxba ka bi’in.

Hadalsame Media