”CAR SOO BAX!” – Farage oo baskiisa ku xayirmay kaddib markii bannaanka loola istaagey MILKSHAKE + Sawirro

0

(Rochester) 22 Maajo 2019 – Hoggaamiyaha xisbiga cusub ee Brexit Party Md Nigel Farage ayaa waxaa markale ololihiisa qasay koox ku hubaysan cabitaanka milkshake, kuwaasoo siyaasigan Yurub ka ololeeya ku khasbay in uu baskiisa ‘Brexit Bus’ kasoo degi waayo.

Farage ayaa maanta ka ololaynayey magaalooyinka Dartford, Gravesend iyo Rochester, isagoo la hadlayey dadwaynaha mid mucaaradsan iyo mid la hayaba.

Yeelkeede, markii uu tegey Rochester, talo ayaa ku cadaatay kaddib markii ay ilaaladiisu ka war heleen inay bannaanka ku sugayaan ilaa ugu yaraan 3 qof oo wejiga dabooshay balse la diyaar ah caanaha qooshan ee milkshake, sida ay faafisay Kent Live.

Farage ayaa horay dorraad milkshake loogu qubay magaalada Newcastle isagoo ninkaas ku tilmaamay “xag-jir Yurub doon ah (remainer).”

Cabitaankan milkshake ayaa haatan kooxaha bidixda ah u noqday hub ay uga hor tagaan siyaasiyiinta shacbawiga ah ee dadka nacsiinaya inay kasii mid ahaadaan Midowga Yurub, waxaana dadka kale ee loogu qubeeyay ka mid ah hoggaanka xisbiga cunsuriga ah ee UKIP Md Tommy Robinson (magaca runta ah Stephen Yaxley-Lennon) iyo Car Benjamin.

Hadalsame Media