”Waa aqoonyahan ismood doqommo ah!” – Faarax Macallin oo furka ku xooray dhallinyaradii muuqaalka soo duubtay!

0

(Nairobi) 21 Maajo 2019 – Somalia waa na gumaysan rabtaa! Dhallinyaro Kenyan ah oo dhigta jaamacadda Fort Hall College iyo Prefosor-kooda, ayaa Youtube soo dhigay muuqaal ay halku dheg uga dhigeen inaysan bixinaynin wax ay ku sheegeen in yar oo ”dhulkooda ka mid ah”, iyagoo ula jeeda dhul-badeedka ay sheeganayaan ee Somalia oo ay ku tilmaameen ”Al Shabaab iyo burcad badeed.”

Haddaba, waxaa u jawaabey siyaasiga Faarax Macallin oo xilal kala geddisan kasoo qabtay dalka Kenya, balse inta badan ah nin qoowmi ah oo Soomaalida u hadla oo muuqaalka dadkaasi ku tilmaamay mid lagu dhisay aragti ”doqonnimo ah.”

Wuxuu Twitter kusoo qoray sidatan:

”Haddii uu qof doonayo inuu ka hadlo arrin siyaasadeed, waa inuu ula tagaa siyaasiyiinta hibada u leh inay ka hadlaan siyaasad dhab ah, balse maya aqoonyahanno ismood doqomo ah” ayuu warkiisa ku bilaabay.

”In ganacsigayga Islii (Eastleigh) lagu tilmaamo mid uu qaxooti leeyahay, waxay ka dhigan tahay in la iska dhaadhiciyo in gobolka Woqooyi Bari ay Kikuyu leedahay.” ayuu raaciyey.

 

Hadalsame Media