”Ma dad baa la celiyay?!” – Kenya oo jees jees uga jawaabtey madaxdii lagu xayiray JKIA

0

(Nairobi) 21 Maajo 2019 – Kenya ayaa inkirtay inay dal-ku-gal u diiddey madax Soomaaliyeed, jeer horay loo ogaa in madaxdaa qaarkood sida Wasiir Xigeenka Biyaha iyo Tamarta iyo Senetarrada Ilyas Ali Hassan iyo Zamzam Dahir laga celiyay Gegada Jomo Kenyatta International Airport iyagoo sidaa darteed Xamar ugu laabtay.

Waaxda Socdaalka Kenya ayaa ku doodaysa in ay madaxdan usii sheegeen in ay Fiisaha ka dalbadaan Safaaradda Kenya ee Muqdisho kahor inta aysan soo gelin dalka Kenya.

Wasiirad Dibadeedka Kenya, Monica Juma oo ka gaabsatay arrintan oo sida ay tiri aysan tafaasiil ku filan ka haynin ayaa si falsafadaysan ugu af gobaadsatay in aanay jirin sabab loo celiyo qof kasta oo shisheeye ah oo sita Fiise saaxi ah, taasoo ka dhigan inay dureeyso qaabkii ay ku socdeen madaxda Soomaaliyeed iyo in ay guud ahaanba arrintooda si gaar ah uga hadasho.

Arrintan ayaa cusbo kusii shubaysa bahdilka dhacay iyadoo ay u muuqato in Kenya ay si jees jees ah uga jawaabayso arrin xasaasi ah oo ay Soomaali badani ka xumaadeen.

Hadalsame Media