XOG: Kenya oo sii amba qaadday daandaansigii Somalia & DF oo TILLAABOOYIN fal-celin ah qaadaysa! (Jaadka oo la joojin karo iyo…)

0

(Muqdisho) 20 Maajo 2019 – Shacabkii caadiga ahaa, Xildhibaanno iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in lagu qashqashaaday garoonka lasii maro ee Wajeer iyadoo lagu war geliyay tillaabo cusub oo ah inay dadku online u dalbadaan dal-ku-galka Kenya oo awal horay laga siin jirey marka ay yimaadaan (visa on arrival) iyo sugitaanno dheer oo dadkii safarka ahaa la geliyey:

Warar kale oo aan weli la xaqiijin ayaa iyana sheegaya in Wasiir ku xigeenka Biyaha iyo Korontada Cusmaan Libaax iyo Senator Ilyaas Xasan Cali ay caawa ku xayiran yihiin Gegada Caalamiga ah ee Diyaaradaha Jomo Kenyatta, markii looga dhaartay dal ku-galka dalkaasi.

Waxaa kasii horreeyay madax kale oo Soomaaliyeed oo iyagana loo diidey in lagu ixtiraamo baasaboorrada shaqo iyo kuwa diblomaasiyadeed ee ay wataan oo ay dantu ku khasabtay inay ku gudbaan baasaboorro shisheeye ah oo ay qaarkood haysteen. Arrintaas lafteeda ayaa bahdil ku ah qarannimada Somalia.

Hadalsame Media ayaa hadda xog ku heleeysa in DF Somalia oo muddo dheer ka aamusnayd tillaabooyinka isdaba joogga ah ee Kenya ay qaadi doonto dhowr tillaabo oo fal celin ah oo culus.

Waxaa ka mid ah gaatay in ay DF Somalia ku dhawaaqdo in si KMG ah loo joojinayo duullimaadyadii qaadka, ama ugu yaqaan aad loo dhimayo xaddigiisa iyo in ay joojinayso iskaashigii dhinaca amaanka ee ay Kenya la lahayd.

Waxaa haatan dhegta loo taagayaa tillaabooyinka ay qaadayso Dowladda Somalia oo ay ku jiri karaan kuwo kale, haddii aan wax isbeddel ah laga dareemin dhanka Kenya, taasoo aan haatan laga yaabin, marka ugu yaraan wax lagu cabiro koorsada ay ku socotey siyaasadda ay ku wajahayso Somalia.

DF Somalia ayaa haddii ay bahdilkan ka jawaabi wayso lafteedu ku ceeboobaysa, maadaama ay intii ku filan ka gaabsatay, iyadoo ay dad Kenya u tabcani umadda la hor taagan yihiin kelmado muujinaya in Somalia ay iska qaadato wax kasta oo lagu sameeyo oo ay Kenya mudan tahay ”Ixtiraam ka badan midka iyada laga mudan yahay” taasoo ay aad uga xumaadeen Soomaali badan oo uu damiirkoodu nool yahay.

Hadalsame Media