HESHIIS DHACAY: AC Milan oo soo qaadanaysa Stefano Sensi

0
MILAN, ITALY - MARCH 02: Stefano Sensi of US Sassuolo is challenged by Ricardo Rodriguez of AC Milan during the Serie A match between AC Milan and US Sassuolo at Stadio Giuseppe Meazza on March 2, 2019 in Milan, Italy. (Photo by Marco Luzzani/Getty Images)

(Milano) 20 Maajo 2019 – Warqaadka Tuttosport ayaa sheegay in shaki la’aan uu Stefano Sensi, 23-jir, oo khadka dhexe uga dheela kooxda Sassuolo uu yahay laacibkii ugu horreeyay ee ay Milan usoo iibsato fasalka xiga.

Laacibkan oo ay AC Milan sidoo kale doonaysey bishii Jannaayo ayay haatan Milan kula heshiisey kooxdiisa oo aqbashay 25 milyan oo ay bixinayso Rossoneri, balse si ahaan waxaa hadda Milan ka baxaya €13m, waayo waxay Milan diiwaankeeda ka saaraysaa €12m oo ay ku leedahay Sassuolo oo amaah uga qaadatay Manuel Locatelli.

MIYUU BAXAYAA BAKA – Imaanshaha Sensi oo ka dheela isla booska Tiemoué Bakayoko, ee afaafka daafaca ayaa bixinaya sawir ah in Milan aysan qaadan doonin laacibka ay Chelsea kasoo amaahdeen oo muranno badan ku lug yeeshay sanadkii uu Milan joogey.

AC Milan oo weli ka rajo qabta usoo bixitaanka CL, ayaa la sheegayaa inay doonayso inay markale kooxda kacaamiso fasalka soo aaddan, xitaa haddii aysan usoo bixin CL, sababtuna waa in ay hungo’ wada noqdeen laacibiintii ay qaabka jumlada ah usoo iibsadeen laba fasal kahor.

Sensi oo haatan ka mid ah laacibiinta asaasiga ah ee xulka Talyanaiga ayaa ogolaaday qandaraas 5 sanadood ah oo uu middiiba ku qaadanayo lacag dhan 1.8 milyan euro, taasoo laba Milan gaaraysa markii bareemiyo lagu daro.

Hadalsame Media