Fursadaha ay CL ku aadi karaan kooxaha Atalanta, Inter, AC Milan & Roma (Arag faahfaahinta & saacadaha la dheelayo)

0

(Roma) 20 Maajo 2019 – Maadaama uu hal todobaad oo aad u kululi ka haray Horyaalka Talyaaniga ee Serie A oo ay calafkooda cuni doonaan kooxaha isku haysta badbaadada sida Genoa, Empoli iyo Viola, iyo boosaska Yurub sida laba boos oo Champions League ah waxaannu idiin haynaan xog ku saabsan cidda soo bixi doonta natiijo kasta oo soo baxda.

Tusaale ahaan kooxaha Atalanta iyo Inter Milan ayaa leh min 66 dhibcood, waxaase sarreeysa Orobici oo 3-aad ku taagan inay 4 dhibcood ka qaadatay Inter. Waxaa se ku xiga AC Milan oo 65 dhibcood leh iyo Roma oo taagan 63. Waa 4 kooxood oo isku haya 2 boos, haddaba xeerku ha u garnoqo.

ATALANTA ayaa Champions League aadaysa haddii…

Ay garaacaan Sassuolo

AMA

Ay barbarro galaan isla markaana ay badin waayaan Milan iyo Inter

AMA

Laga badiyo balse ay Milan badin waydo iyaduna (Waa inaysan Roma iyaduna badinin)

INTER MILAN ayaa Champions League aadaysa haddii…

Ay garaacaan Empoli

AMA

Ay ugu yaraan ku natiijo noqdaan AC Milan

AMA

Laga badiyo oo ay Milan na barbarro gasho

AMA

Looga badiyo 1-0, Milan iyana laga badiyo, Roma na aysan ku badin wax gaaraya 4 gool oo nadiif ah

AC MILAN ayaa Champions League haddii…

Ay garaacaan SPAL isla markaana ay badin waayaan Atalanta ama Inter ama midkood

AMA

Ay barbarro galaan, balse laga wada badiyo Inter iyo Atalanta oo Roma na badiso

AMA

Ay barbarro galaan, Inter aan laga badin, lana garaaco Atalanta

AS ROMA ayaa Champions League aadaysa haddii…

Ay Parma ku garaacaan ugu yaraan 5 gool oo nadiif ah, Inter lagu tumo 1-0, Atalanta aan laga badin, Milan na la tumo

AMA

Ay Parma garaacaan, halka Atalanta, Inter iyo Milan laga wada badinayo.

SAACADAHA LA DHEELAYO KULAMADA UGU DAMBEEYA

Todobaadka 38-aad ee Serie A (Amintu waa maxalli)

Sabti Maajo 25:

Frosinone-Chievo (17:00)

Axad Maajo 26:

Torino-Lazio (14:00)

Sampdoria-Juventus (17:00)

Atalanta-Sassuolo (19:30)

Bologna-Napoli (19:30)

Cagliari-Udinese (19:30)

Fiorentina-Genoa (19:30)

Inter-Empoli (19:30)

Roma-Parma (19:30)

SPAL-Milan (19:30)

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media