FASHIL: ”Waar nagala tag!” – Hoggaamiyaha cunsuriga ah ee Nigel Farage oo isagoo ololaynaya caano lagu qubay + Muuqaal & Sawirro

0

(Newcastle) 20 Maajo 2019 – Siyaasiga lagu sheego ninka UK ku qalqaaliyay inay EU ka baxaan Nigel Farage ayaa lagu daadiyay cabitaan milkshake ah jeer uu isku dayayey inuu ka ololeeyo magaalada Newcastle halkaasoo ka wadey ololaha xisbigiisa cusub ee Brexit Party.

Mr Farage ayaa waxaa goobta kala cararay ilaaladiisa iyo booliiska bulshada. Siyaasigan ayaa khudbo yar ka jeediyay Taallada ku taalla bartamaha magaalada, wax qayb ka ah safar uu dalka ku marayo si loo doorto maalinta Doorashada Baarlamanka Yurub oo ku beegan Khamiista.

Todobaadkii tegey waxay Booliisku ku amreen makhaayad McDonald ah oo u dhowayd meel lagu qabanayey ololaynta xisbiga Brexit Party inay joojiyaan iibinta cabitaannada milkshake iyo jallaatada.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee cabasho ah oo lala beegsado musharrixiin xag jir ah oo dhanka midig ah sida Guddoonka Ukip, Carl Benjamin iyo hoggaamiyihii hore ee kooxda cunsuriga ah ee English Defence League jaalle Tommy Robinson.

Dadka UK ayaa caalwaa ka muujinaya Brexit oo mar loogu muujinayay wax ay guul wayn ku gaari doonaan haddii ay ka go’aan Midowga Yurub, balse ujeeddo la’aanta, karti xumada iyo jahawareerka raggii horseedka ka ahaa Brexit sida Farage, Boris Johnson iwm ayaa keentay inay dad badani ka

Hadalsame Media