DAAWO: Maxaad ka taqaannaa USHA DAHABIGA ah ee uusan la’aanteed tillaabo qaadi karin Baarlamanka Britain? + Sawirro

0

(London) 20 Maajo 2019 – Baarlamanka Dhexe ee Britan ama House of Commons oo ka mid ah Baarlamaannada ugu guunsan dunida dacalkeeda waxaa la asaasay 1215, balse waxaa jirta ul yar oo dahabi ah oo la yiraahdo Mace taasoo u laabanaysa qarnigii 17-aad iyo xilligii Boqor Charles II oo aan la’aanteed wax sharci ah la ansixin karin.

Sida ku xusan webka Baarlamanka “ushani waa astaan ka tarjumeeysa awoodda boqortooyada” haddii aysan oollin hoolka Baarlamankana, sharciyan waxba lama qaban karo, dood lama qaban karo, xeer cusub lama ansixin karo. Waa xeer laftiisu u laabanaya qarnigii 17-aad.

Maalin kasta oo uu Baarlamanku kulmayo waxaa qaacada lasoo geliyaa iyadoo la hor wado Afhayeenka Baarlamanka waxaana qaadistiisa Madaxa Nidaaminta Baarlamanka (Serjeant at Arms), kaasoo mas’uul ka ah amaanka iyo kala dambaynta Baarlamanka.

Waxaa deeto la saarayaa miiska hor yaalla Afhayeenka Baarlamanka, markii ay howsha Baarlamanku dhamaato oo lakala tegayana waxaa la dhigaa Qasriga taariikhiga ah ee Boqortooyada ee St James’ Palace oo ku yaalla Westminster.

Yeelkeede, marka ay kulmayaan Guddi Hoosaadyada Aqalka Hoose ama House of Commons ushan hoos ayaa la dhigaa oo miiska lama soo saaro. Aqalka Sare ama House of Lords isagu wuxuu leeyahay laba ulood oo noocan ah.

Inta badan ma dhacdo, balse haddii uu qof qaado ee la boxo, sidii dhacday beri dhowayd oo uu dafay xildhibaan ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Labour-ka Md Lloyd Russell-Moyle isagoo ku mudaaharaadaya Brexit waxaa lagu khasban yahay in kal fadhiga la joojiyo oo xildhibaannada lakala diro. Waloow markan isla judhiiba ka qaaday Madaxa Nidaamintu.


Hadalsame Media