RASMI: AC Milan oo Axadda ku ciyaaraysa funaanadeeda cusub + Sawirro (War hore oo beenoobey)

0

(Milano) 17 Maajo 2019 – Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay kulanka Axadda ee San Siro ku ciyaarayso funaanadda cusub ee fasal-ciyaareedka 2019-20, marka ay Axadda kulan xasaasi ah ku qaabisho kooxda Frosinone.

Kulankan ayaa muhim u ah usoo bixitaanka Champions League, balse waxay Rossoneri sidoo kale daawato 70,000 ku dhow oo usoo daawasho tegaya ciyaartaasi usoo bandhigaysaa funaanadeeda cusub oo ay farsamayso Puma.

Warkan ay Milan marsiisay via Twitter, ayaa beeninaya warar hore oo sheegayay in Milan ay funaanaddeeda kusoo bandhigi doonto munaasabad kale oo dhacaysa dhamaadka bishan.

Funaanadda cusub ee sanadka 2019/2020 oo u noqonaysa waayo lasoo dhaafay ayaa leh diilimo khafiif ah, iyadoo ay Milan sidatey fasalkii 2011-12 iyo midkii ay 100 sano guuradeeda 1998-1999.

Hadalsame Media