DP World oo Jabuuti ka gar heshay & lacag nus bilyan ku dhow oo Jabuuti lagu xukumay (Maxay Somalia ka baran kartaa?)

0

(London) 16 Maajo 2019 – DP World ayaa guul sharci ah ka gaartey dalka Jabuuti oo lagu amray inay bixiso lacag dhan US$385m oo dulsaar kale lagu daray taasoo lagu yeeshay dekedda Doraleh Container Terminal (DCT).

Jabuuti ayaa lagu helay inay jebisey xuquuqdii u dhowrnayd DP World oo sida la yiri ay kula heshiiyeen inay hormariso deked doorar badan oo la yiraahdo Doraleh Multipurpose Terminal.

Xukunka ay riddey Maxkamadda London Court of International Arbitration (LCIA), ayaa loo cuskaday in DCT, oo ay 33.34% leedahay DP World Group halka saamiga aqlabiga ah oo ah 66.66% ay leedahay Port de Djibouti S.A., oo ah sharikad hoos tagta dowladda Republic of Djibouti, ay Jabuuti xeerka ku tumatay kaddib markii ay qandaraas cusub siisay shirkad kale oo uu fadhigeedu yahay dalka Shiinaha oo la yiraahdo China Merchantsthe.

Jabuuti ayaa la sheegay inay gees martay heshiis lakal saxiixday 2006 oo khuseeynayay dekedda DCT, waxaa kale oo Jabuuti lagu helay inay jebisey xuquuqihii ay DP World ku lahayd dhamaanba dekedaha kale ee ay kula heshiisey.

DIGNIIN

Maxkamadda ayaa Jabuuti sidoo kale uga digtey inay sii amba qaaddo inay sharikaad kale keento Doraleh International Container Terminal (DICT) iyadoo aan kala tashan ama aysan raalli ka ahayn DP World

Lama oga awoodda sharci (legal jurisdiction) ee ay Maxkamaddani ku leedahay inay xukunkaasi riddo.

Arrintan ayaa sidoo kale cashar u noqon kara Soomaali badan oo heshiisyo iska saxiixay ay qaarkood wadaan dhowr nin oo dhaqaale raadis ah.

Hadalsame Media