AC Milan oo London u duulaysa si ay ula kulanto Maurizio Sarri

0

(London) 16 Maajo 2019 – Sida ku dhigan Sportmediaset,Agaasimaha Guud ee AC Milan ee Ivan Gazidis ayaa London u duulaya saacadaha soo aaddan si uu halkaa ugula kulmo Maurizio Sarri, si uu uga hormaro kooxda Roma oo lafteeda haatan lala xiriirinayo Gian Piero Gasperini.

Kooxda Leonardo, ayaa doonaysa inay ugu yaraan macallinka Chelsea oo u muuqda mid xilka laga qaadayo wax kasta oo kasoo baxa dhamaadka Europa League, dareensiiso inay safka 1-aad ku jiro, iyadoo uu Milano ku haray Leonardo oo u muuqda mid aragti kale qaba, jeer mustaqbalkiisa Milan dood la gelinayo.

Agaasimahan South African-ka ah ayaa kulan fool ka fool ah la yeelanaya Sarri, si uu ugu sharroxo mashruuca cusub ee lagu soo noolaynayo kooxda AC Milan oo sanadihii yaraa ee dambe feceed ka hartay.

Waxyaabaha uu u bandhigayo waxaa ka mid ah in laga tala gelin doono dookhyada suuqa kala iibsiga, iyadoo ay Milan u bandhigayso qandaraas 3 sanadood ah oo uu sanadkii ku qaadanayo ugu yaraan 3 milyan oo euro, waxaana kooxda via Aldo Rossi ka diyaar ah inay kharash kordhin samayso haddii uu natiijo fiican keeno.

Hadalsame Media