Cunista QAADKA oo laga qaado cudurro badan oo dhanka DHIMIRKA ah (Ka warran Somalia oo ay xitaa siyaasiyiintu cunaan?)

0

(Meru) 15 Maajo 2019 – Daraasad cusub oo iminka soo baxday ayaa caddaynaysa in qaadku uu sababo dhowr cudur oo dhanka dhimirka ah iyo dhibaatooyin caafimaad oo dhowr ah.

“Astaamaha cudurka dhimirka ee Psychotic-ga ayaa ku badan dadka qaadka ruuga marka loo eego dadka kale,” sida ay qabto daraasad shalay kusoo baxday wargayska BMC Psychiatry.

Ruugista qaadka ayay cilmi baaristani la xiriirinaysaa dhaqamo la yaab leh iyo cudurro dhimirka ku dhaca sida maqalka, aragga iyo urinta wax aan jirin (hallucination) – kuwaas oo ah laba astaamood oo u tusmaysan inay ka mid yihiin cudurrada dhimirka.

Daraasadan ayaa xiganaysa baaritaan ay ku samaysay 831 qof oo deggan ismaamullada Meru iyo Embu ee dalka Kenya taasoo la bilaabay 2015, isla markaana ay maalgelisey dowladda Kenya oo ku bixisay Sh38 milyan oo shilinka Kenya ah.

831 qof ee loo kuur gakay, 306 ka tirsan ama boqolleey dhan 37 boqolkiiba ayaa qaadka cuna, kuwaasoo kala bar ka badani ay rag yihiin.

Qiyaastii 14% ka tirsan oo ay da’doodu tahay 10-17 ayaa iyagana la arkay in ay jaadka cunaan, taasoo loo arkayo mid walaac badan maadaama jaadka oo da’yar lagu bilaabaa ay qofka u nuglayso cudurrada daroogada la xiriira ama ku talax tagga daroogooyinka kale.

Soomaalida ayaa ka mid ah bulshooyinka uu qaadku la degey, iyadoo ay dad badani qabaan in uu xitaa hor taagan yahay dhismaha qarannimada Somalia, maadaama ay wax u go’aamiyaan siyaasiyiin ay qaar badan oo ka tirsani qaadka cunaan.

Hadalsame Media