Ma Somalia ayaa ugu horreeysa IMTIXAAN natiijadiisa si elektaroonig ah loo dusiyo?!!

0

(Muqdisho) 14 Maajo 2019 -Waxaa Muqdisho ka dhacay wax lagu sheegay mudaaharaad, balse foowdo ah waayo mudaaharaadku waa inuu noqdaa wax sabab wayn ku fadhiya, laakiin waxay indhaha dadku qabteen dad aan badnayn oo yaacaya oo xita jejebinaya geedihii jidadka lagu beeray.

Waxaa la sheegay inay ka mudaaharaadayaan joojinta iyo bedelitaanka Imtixaanka Shahaadiga ah, kaddib markii ardayda loo dusiyey, taasoo ah arrin nasiib darro ah balse haatan dunida si wayn uga dhacda, mudaaharaadyo iyo is waalna aan keenin, balse akhri sheekadan uu ka diyaariyey Weriye Yaxya Yuusuf.

Waxaan baraha bulshada ee Internet-ka ku arkay waraaqado ka mid ah Imtixaanka haatan loo fadhiyo ee Dugsiyada Sare ee dalkeenna Soomaaliya ee sanad dugsiyeedkan 2019, kuwaas oo qaabkii la doono ha lagu soo helee la qishay oo loo fududeeyay ardaydada Soomaaliyeed ee dadaalaya, waqtiyada adag ee aan ka war haynana wax ku baranaya.

Dadkii imtixaanaadkaasi qaran ee mustaqbalka Jiilka cusub soo xaday ee Internet-ka ku faafiyay waxay dowladda Soomaaliya ku dhaliilayeen in ay tahay mid liidata oo aan warqadahaas imtixaannada xitaa xakameyn karin

Dalalka Adduunka ma ka dhacdaa in imtixaannada Iskuulladooda la qisho, la musuq maasuqo, la xado ama la jabsado oo kaddibna lagu baahiyo internet-ka?

Jawaabtu waa haa, waxaana afartii sano ee la soo dhaafay Internet-ka lagu soo bandhigay imtixaanna Shahaadada lagu qaato ee dugsiyada sare ee qaar ka mid ah dalalka Caalamka, kuwaas oo iyagoo aan loo fariisan imtixaannadii laga war helay warqadihii imtixaannada oo dhex wareegaya shabakadda baraha bulshada.

Waddammadan imtixaannadooda la qishay ee Internet-ka lagu shaaciyay waxaa ka mid ahaa; Kenya, Itoobiya, Sudan, Uganda, Libya, Algeria, Masar, India, Mareykanka, Israa’iil, Holland, Belgium, Sweden iyo Ingiriiska.

Tallaabooyinkii ay qaadeen dalalka Caalamka qaarkood markii Imtixaannadoodii Dugsiyada Sare la qishay, la xaday ama kumbiyuutar ahaan loo jabsaday way kala duwanaayeen, qaar baa Internet-ka ka jaray dalalkooda inta imtixaannadu socdeen, kuwo waxay shirkadaha Facebook iyo Twitter ka codsadeen in ay arrintan faraha ka baxday xakameeyaan oo ay ka caawiyaan sidii loo joojin lahaa warqadaha imtixaannadaasi dhex wareegayay Internet-ka, halka kuwo kalena guud ahaan mar labaad ay Ardaydii ku celiyeen imtixaannadii, waxaase ugu yaab badnaa in su’aalihii imtixaanka Maaddada Xisaabta ee mid ka mid ah Iskuullada Ingiriiska lagu kala iibsanayay Online bishii Agoosto ee 2018.

Waxaa iska cad in aysan suurto gal ahayn in dowladda Soomaaliya oo maanta tabarteeda aan wada garanayno iyo xaaladda adag ee dalku uu haatan marayo, musuq maasuqa iyo nidaam xumada guud ee dalka ka jirta in lagu eedeeyo sidee waraaqadahaasi imtixaanka loo qishay oo ay faraha uga bexeen.

Sababtuba waxay tahay Soomaaliya oo aan gaarsiisnayn heer ay arrimahaasi iyo wax u dhow ku xallin karto ammaan ahaan, aqoon ahaan iyo ilbaxnimo ahaan toona, maadaama dunidu ay haatan noqotay Tiknooloji iyo Social media, iyadoo sidoo kale dadka warqadahaasi soo bandhigaya aysan garanayn in ay gef ka galayaan dalkooda, waxaana arrimaha nuucan oo kale ah wadammada caalamka qaarkood uu qofku ku muteysanayaa xarig iyo ganaax lacageed.

Ardayda Soomaaliyeedna waxaan leeyahay “Ha niyad jebina oo guuleysta , dad yar oo aan dalkooda xitaa ka xishooneyn idinma niyad jebin karaan”.

Waxaa Qoray: Yaxya Y. Khasaaro

Hadalsame Media