RAKADII AAN LA RAKIBIN: Rakadii loogu tala galay inay Reds koobka ku qaaddo oo khasaartay! + Sawirro

0

(Liverpool) 13 Maajo 2019 – Kooxda Reds oo ilaa shalay raacdaynaysey horyaalkeedii ugu horreeyay ee Premier League, ayaa la sheegay inay sii diyaarsatay xitaa rakadii ay koobka ku qaadi lahayd, taasoo aan nasiib darro looba baahan in  la rakibo.

Kooxda Jurgen Klopp ayay rajadeedu ku xirnayd Manchester City oo kufta, maadaama ay hal dhibic oo qura ka sarreeysey.

Labada garoon ee Anfield iyo AMEX Stadium ayuu maamulka EPL wuxuu geeyay rakooyin iyo koobab si koobka durba loo siiyo kooxdii hanata.

Yeelkeede, kaddib 90 daqiiqo oo xamaasad leh, waxaa la rakibay rakadii City, halka middii Reds dib loogu celiyay halkii laga soo raray. Laga yaabee sanadka xiga.

Hadalsame Media