Maxkamadda Garoowe oo adeegsatey farsamo naadir ku ah Afrika, dalkana aan laga helin

0

(Garoowe) 13 Maajo 2019 – Dalalka Afrika inta badan malaha hay’aadka baara hidde-sidka (forensic bureaus), balse arrintani waxaydoor shariif ah ka qaadataa xogaha loo adeegsado caddaymaha lagu hayo eedaysanaha, marka dhanka dembiyada la eego.

Xukunkii shalay Garoowe ka dhacay ayaa waxaa ku jirtey arrin taariikhi ah, waayo 3-da eedaysane ee loo haystey kufsiga iyo dilka Caa’isha Ilyaas, 12-jir, waxaa loo adeegsadey dhecaanka DNA waana markii ugu horreeysey ee kiis maxkamadeed loo adeegsado dalka Somalia guud ahaan.

Caa’isha Yareey ayaa 24-kii Febraayo la qafaashay jeer ay suuqa u socotey woqooyiga Gaalkacyo, waxaana maydkeeda la helay subixii xigey, iyadoo si xun loo diley kaddib markii kufsi wadareed lagula kacay.

IArrintan ayaa aad uga qaylisiisay guud ahaan umadda Soomaaliyeed, iyadoo Garoowe lagu qabtay dibed bax lagu codsanayey inay Caa’isha cadaalad hesho, waxaa kale oo la abuuray hashtag la yiraahdo #JusticeforAisha.

Shalay ayayse ugu dambayn Makxamadda Garoowe go’aanka soo saartay, iyadoo isha lagu wada hayo fulinta xukunkan oo ah tijaabada ugu dambeeysa oo uu mari doono hannaanka cadaaladeed ee guud ahaan maamulka Puntland.

Hay’adda Cilmiga Hiddes-sidka Garoowe (Bureau of Forensic Science) ayaa xarigga laga jaray Sebtembar 6, 2017, Garowe, Puntland, Somalia, waxaana hay’addan oo ah midda qura ee iminka Somalia ku taalla maalgelisey Dowladda Sweden iyadoo ay fududaysay hay’adda United Nations Population Fund.

Hadalsame Media

Facebook Comments