GULUF GANACSI: Shiinaha oo jawaab middi ku taag ah ka bixiyay tarriifo uu Maraykanku kusoo rogey + Sawirro

0

(Beijing) 13 Maajo 2019 – Beijing ayaa ka aarsatay Washington oo tarriifooyin is daba joog ah kusoo rogtey badeecooyinka ay u dhoofiyaan Maraykanka, iyadoo markeeda badeeco ku kacaysa $60 milyan oo doollar oo Maraykanka ka timaada tarriifooyin dheeraad ah dul dhigtay.

Sida ay maanta sheegtay Wasaaradda Ganacsiga Shiinuhu, waxay tarriifadan cusubi hirgeli doontaa wixii loo gaaro 1-da bisha Juun ee soo dhow.

Kordhintan cusub ee tarriifooyinkan oo sare loo dhigay ilaa 25 boqolkiiba waxay toos u saameeynaysaa ilaa 5,000 oo nooc oo ah badeecooyinka uu Maraykanku keeno suuqyada Shiinaha.

Todobaadkii tegey, Aqalka Cad ayaa kordhiyey tarriifooyinka saaran badeeco ku kaceeysa ilaa $200 bilyan oo doollar oo uu Shiinuhu ka iibiyo Maraykanka, taasoo laga dhigay 25% iyadoo markii hore ahayd 10%.

Sidaa darteed, tillaabada Beijing waxay jawaab u tahay midda maamulka Trump oo tan iyo markii uu xilka la wareegey dagaal ganacsi ku hayey dalka Shiinaha.

Hadalsame Media