”Maraakiibta qaaliga ah ee Maraykanka waxaa ku filan hal GANTAAL!” – Xaaladda Iiraan & Maraykanka oo faraha kasii baxaysa + Sawirro

0

(Tehraan) 12 Maajo 2019 – Iiraan ayaa bartilmaameedsan karta maraakiibta ganacsiga ah ee Maraykanka, gaar ahaan kuwa saliidda qaada sida ay sheegtay dowladda Maraykanku, balse hanka Iiraan intaa waa dhaafsiisan yahay.

Wadaar sare oo Iiraani ah ayaa sheegay in raxanta maraakiibta dagaal ee uu Maraykanku halkaa u diray oo balaayiin doollar ku kacaysa uu ku filan yahay ‘hal gantaal.’

‘Haddii ay weerar holliyaan, waxay wajihi doonaan … daraasiin gantaalo ah ‘, ayuu yiri Ayatollah Tabatabai-Nejad.

Geed fadhiga Dowladda Iiraan (establishment) ayaa qaybaha qunyar socodka ah oo uu ka mid yahay Madaxwayne  Hassan Rouhani uga digaya inuu qaato go’aan uu kula xaajoonayo Maraykanka oo dalab cusub u bandhigay Tehraan.

Donald Trump ayaa Khamiistii hoggaanka Iiraan u bandhigay yabooh ah inuu diyaar u yahay inay wada xaajoodaan haddii ay ogol yihiin inay ka tanaasulaan barnaamijka hubka nukliyeerka, isagoo sheegay inuusan meesha ka saaraynin tillaabo millateri.

Hadalsame Media