”Dib baan u eegaynaa go’aankan!” – Kenya oo iskeed muddo ugu qabatay xilliga uu xirnaan doono duullimaadka tooska ah (DF oo shaashadda ka maqan)

0

(Nairobi) 12 Maajo 2019 – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duullimaadka Rayidka ah ee dalkaasi Kenya, Kabtan Gilbert Kibe, oo la hadlayey Wargayska The Nation ayaa sheegay in sababo dhanka ”amaanka ah” loo joojiyey duullimaadyadii diyaaradaha ee sida tooska ah uga dhex shaqeyn jirey Nairobi iyo Muqdisho.

Agaasimaha ayaa intaasi raaciyey in duullimaadyada la hakinayo ilaa bisha 9-ka bisha Agoosto ee soo aaddan.

Dowladda Kenya ayaa markaasi dib-u-eegis ku samaynu samayn doonta go’aanka laga qaadanayo in duullimaadyaddii tooska ahaa dib loo bilaabayo in kale, isagoo aan soo hadal qaadin wax wada tashi ah oo ay arrintaa kala yeelan doonaan DF Somalia.

Dorraad, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duullimaadyadda Rayidka ee DF ayaa Dowladda Kenya ka codsatay inay dib uga fikiraan go’aankaasi, oo ay ku tilmaantay mid ”siyaasadaysan.”

Kenya ayaa weerarro kala nooc ah ku haysa Somalia, iyadoo uu ololeheedu salka ku hayo dhul badeed Somalia leedahay oo ay mar qura bilowday inay sheegato 2009-kii, kaddib markii ay dowladdii xilligaa jirtey ka saxiixatay wax lagu sheegay is faham ku aaddan in arrintaa laga doodi karo.

Hadalsame Media