HAMBALYO! Kooxda Man City oo noqotay kooxdii ugu horreeysey ee horyaalka difaacata muddo 10 sano ah + Sawirro

0

(London) 12 Maajo 2019 – Kooxaha Manchester City iyo Liverpool ayaa todobaad dhamaadka horyaalka Premier League isla tegey iyagoo weli isku dheggan oo aan midina ahayn horyaalka la hubo ee sanad-ciyaareedka 2018-19.

Yeelkeede, ugu dambayn kooxda Pep Guardiola ayaa horyaalka difaacatey kaddib markii ay 4-1 ku xaaqday kooxda Brighton, iyagoo sidaa ku noqday kooxdii ugu horreeysey ee horyaalka EPL difaacata tan iyo markii ay Manchester United sidaa yeeshay fasalkii 2008/09.

Wiilasha Jurgen Klopp ayaa rajaynayey in Man City laga badiyo ama ugu yaraan ay barbarro gasho, balse guul caato ah oo ay 2-0 Anfield uga gaareen kooxda Wolves waxba uma tarin oo sidaa ayay ku horyaal la’yihiin tan iyo 1989/90 ilaa ugu yaraan fasalka soo aaddan oo ay sida cad markale isku dayi doonaan.

Sadio Mane oo labada gool Reds u dhaliyey ayaa sanadkan 9 jeer oo kala duwan goolasha u bilaabay kooxdiisa dhanka Premier League, waana laacibka qura ee sanadkan sidaa sameeyay iyadoo uu wehlinayo Mohamed Salah.

Taageerayaasha Casaawayaasha oo ay bilowgii rajo gelisey kooxda Brighton ayaa muddo indhuhu ku casaadeen telefoonnada iyagoo ka dhur sugayey inay wax uun ay ku farxaan ka dhacaan kulankaasi.

Manchester City ayaa sidaa ku hanatay horyaalkeedii 4-aad ee Premier League ah waana kooxda 3-aad ee ugu guulaha badan – kaliya Manchester United (13) iyo Chelsea (5) ayaa ka badsaday koobka, tan iyo markii magaca EPL la dabaqay 1992-kii.

 

Hadalsame Media