Dowladdu seddax biil ma bixin karto ee laba halla tuuro!

0

(Hadalsame) 12 Maajo 2019 – Waxaa shalay lagu kala istaagey shirkii DF Somalia iyo maamul-goboleedyada uga soconayay magaalada Garoowe, kaddib markii waxba la isku raaci waayey.

Haddaba, weriye Amiin Yuusuf Khasaaro ayaa qoraal gaaban ka sameeyay sheeko uu cinwaan uga dhigay ”Dowladdu 3 biil ma bixin karto” isagoo yiri:

”Waxaa xaqiiqo ah in Dowlad dhaqaalaheedu iska yar yahay, faregelin shisheeyana haysato aysan saddex biil bixin karin kuwaasoo kala ah:

1 – Biilka Aqalka Sare
2 – Biilka Aqalka Hoose
3 – Biilka Maamul Goboleedyada

Qolada barnaamijkaan noo alliftey ujeedkoodu waa in aanay Soomaaliya ka dhalan dowlad adag, hadii aan xal deg deg ah loo helin sadexdaas biilna aanu Soomaaliya xaalkeedu sahlanaaneyn, waxaana arrintaan looga bixi karaa in sadexdaas BIIL mid qura laga soo reebo.

Qore: Amiin Y Khasaaro

Hadalsame Media