DAAWO: Hooyo si ay u xaadirto qalin jebinta wiilkeeda teedii u goyn lahayd (Ma aaminaysid tillaabada ay qaadeen Jaamacadihii ay kala dhiganayeen?)

0

(Big Rapids, MI) 12 Maajo 2019 – Hooyo Sharonda Wilson waxay dhararaysey maalinta ay ka qalin jebinayso Jaamacadda Goboleedka Ferris State University ee magaalada Big Rapids, gobolka Michigan oo ay diploma ka qaadan lahayd.

Yeelkeede, hal cillad baa jirtey: Wiilkeede, Stephan, ayaa isla maalintaa ka qalin jebinayey Jaamacadda Central Michigan University ee Mount Pleasant, isla gobolka Michigan, USA.

Hooyo Wilson waxay deeto guddoonsatey inay xafladeeda ka maqnaato, ay u xaadirto midda wiilkeeda, balse iskuulka wiilkeedu wuxuu qaaday tillaabo cajiib ah.

Maalmo kahor xilligii xafladda qalin jebinta, Wilson ayaa arrinta kusoo bandhigtay boggeeda Facebook. Waxaana dadkii arkay ka mid ah wiil arday ah oo ka shaqeeya xafiiska hormuudka Jaamacadda Central Michigan, Bob Davies, oo uu arrintii uga sheekeeyay.

Hormuudka ayaa deeto la xiriirey dhiggiisa Jaamacadda Ferris State University, David Eisler, kaasoo uu ka codsaday in labadoodu ay hal meel ku wada dabaal degaan.

“Waxay ahayd arrin deg deg la iskugu af gartay isbeddelkeeda,” ayuu CNN u sheegay Ari Harris, oo ah afhayeenka Jaamaacadda Central Michigan oo ah halka xafladda lagu wadajirka ah lagu qabtay.

Wiilka Stephan iyo hooyadii Sharonda ayaa la arkayay iyagoo ay is qoorqooraysanaya, jeer ay ka hibitiqlaynayso ilmo farxadeed.

Hadalsame Media