CAQABAD & CAGAAG: Sagaal QODOB oo muujinaya inaysan DAN UMADEED ka shaqaynin madaxda Maamulladu (Falanqayn)

0

(Hadalsame) 12 Maajo 2019 – Somalia oo ah dal kasoo kabanaya dhibaatooyin nooc kasta ah balse ay ugu badan yihiin siyaasad qabyaaladaysan ayaan haatan u dhutinayn sidii ay u raysan lahayd.

Markii moowjad dhib ah laga baxaba waxaa soo hor yeelanaysa mid cusub, tusaale ahaan, markii ay dadku ku daaleen siyaasaddii Hoggaamiye Kooxeedyadii soo baxay 1991-kii kaddib, waxaa qoorta loo surey wax lagu sheegay Federaal oo ay horjoogayaan ka yihiin wax ay dad badani ku sheegeen ”Hoggaamiye Kooxeedyadii” oo magacyo kale loo bixiyay.

Haddaba, waxaannu eegaynaa ilaa 9 xaqiiqo oo muujinaya in madaxda maamulladu aysan dan umadeed ka shaqaynin, koleey ku tahay gobollada ay maamulka ka sheegtaan.

1 – Waxay isku taagaan DF Somalia oo ah hay’adda guud ahaan wakiil ka ah dalka, min caasimad ilaa gobol, taasina waxay xagal daacisaa dowladnimada dalka, helitaanka fursadaha soo kabashadana way ragaadisaa, kaaga darane kulama doodaan waxyaabo la taaban karo oo horumar umadeed iyo mashaariic laga macaasho ka tarjumaya, balse waxay kula doodaan arrimo aanba iyaga khuseeynin sida arrimaha dibedda iyo kuwo ay wakiillo u joogaan, Fulin & Sharci dejinba.

2 – Waxay Dowladda Somalia ku sandulleeyaan in faragelin lagu sameeyo, iyagoo aan la xishoonin inay baaqyo ”kaalaya oo na arka ah” iyo farriimo u diraan dalal shisheeye ah oo dano gurracan ka lahaan kara Somalia, kuwaasoo ay ugu horreeyaan kuwa derisku. Maalin dhowayd waxay hanjabaado kasoo saarayeen Nairobi oo ah dal haatan xagal daacin iyo lug gooyo ku bilaabay danaha qaran ee dalka, iyadoo ay qaarkood haatanba Nairobi iska xaadiriyeen, iyagoon waxba ka qabanaynin degaanka ay ku magacaaban yihiin.

3 – Waloow ay dowladda ku qabsadaan arrimaha dibedda, misna marna arki maysid madaxda maamullada oo ka hadlaya midnimada guud ahaan umadda, gaar ahaan marka uu jiro HUJUUM DIBADEED, car waa kaase arag iyagoo tusaale ahaan ka hadlaya gardarrada iyo daandaansiga Kenya, taaba daayoo haddii ay maanta DF amar kusoo saarto in QAADKA la joojiyo waxay markiiba soo saarayaan inay iyagu fasaxayaan. Beri dhowayd markii ay Somalia iyo Imaaraadku is qabteenna waa kuwii Abuu Dabeey u wada heesey, iyagoo sidaa ku bahdilaya dalkoodii.

4 – Kama shaqeeyaan midnimada, samaha, saaxi u shaqaynta hay’adaha iyo horumarka gobollada ay sheegaan inay maamulaan, mana laha karti iyo qorshe ay arrimahaa ku fuliyaan, marka la reebo kursi jacayl iyo rabitaan khaas ah. Tusaale ahaan, qaar badan oo iyaga ka tirsani ma dhaafin halkii lagu dhisay maamulkooda, wax horumar ah oo heer gobol ahna sooma kordhinin.

5 – Kama xishoodaan inay kaarar qabyaaladeed adeegsadaan, xitaa haddii gobolka uu madaxnimada ka sheeganayo ay wada deggan yihiin qabaa’illo kala geddisan oo u baahan in la tuso inuu meesha ka jiro maamul danohooda ka wada shaqaynaya si loo wada guulaysto deganaan iyo horumarna loo higsado.

6 – Waxay dunida ka iibinayaan aragti ah in aan Somalia is xukumi karin, taasoo quus gelinaysa dalalka yar ee samadoonka ah ee doonaya inay Somalia soo noqoto, niyaddana u dhisaysa dalalka weligood ku doodi jirey ”inay Soomaalidu tahay geelleey aan nidaam iyo dowladnimo toona waxba ka aqoonin”, sida Itoobiya oo haatan ciidamo badeed u samaysanaysa inay ka dowladayso biyeheenna, gacanna ka heleeysa isla qaar badan oo ka tirsan nimankan.

7 – Tillaabo kasta oo ay dowladdu qaaddo dood ayay ka keenaan, xitaa XAJKII, halka shir kasta oo la iskugu yimaado ay MADLAAN, oo aanu kasoo bixin heshiis qayaxan oo kama dambayn ah. Waxaad maqlaysaa ”waxaa lagu heshiiyey in 3-dii biloodba mar la kulmo.” Waayo? Maxaa kulan aan dhamaanayn keenaya miyaan inta wixii lakala leeyahay lakala qorto lagu dhaqaaqi karin? Mayee waa uun xagal daacin iyo seeto dheerayn waqti badani ku dhumo.

8 – Waloow ay 24/7 xaq ka maqan ka hadlaan, marna inta miraayadda isku daawadaan kama hadlaan xuquuqaha iyaga ku baaqday. Tusaale ahaan, canshuur ma bixiyaan, ma ogola inay dowladdu la wareegto garoomada, dekedaha, kastamada iyo inay ciidamadii federaalka oo Booliis iyo Millateri iskugu jira gayso gobollada, si uu dalku u noqdo mid dowlad qura leh, xitaa haddii ay gobolladu hoos ahaan isu xukumayaan.

9 – Marka uu wax kasta sameeyo wuxuu lasoo istaagayaa ”adeer dalku waa Federaal!” Balse, tiiyoo ay  sheegtaan inay yihiin ”maamullo Federaal ah” misna isla iyaga ayaa xagal daacinaya ama dadka nacsiinaya Federaalka, tusaale ahaan, ilaa maanta ma qeexna nooca uu yahay nooca Federaal ee ay Somalia ku shaqayso, dastuurka qabyada ahna waxaa ka muuqda is dar dar fara badan, in la dhamaystirana lama ogola, waayo markii Guddi Madax Bannaan oo dhamaystira la sameeyo, waxay codsanayaan in misna mid kale la sameeyo. Kaddibna mid kale iyo kale iyo kale…..

Qodobbadaas iyo qaar kale oo aan ka ilduufay waxay muujinayaan inaysan madaxda maamulladu marna ka shaqaynin wax maslaxad u ah mujtamaca Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaanba, xitaa koleey ku tahay kuwa lunsan ee indha la’aanta iskaga taageersan, micnuhu ma aha in ay DF Somalia malaa’ig tahay ama ay kaligeed saxan tahay, balse xaqiiqadu waxay tahay in uu maamul goboleed micne yeelanayo, mashaariic waawayn helayo, horumar soo kordhinayo, lagana macaashayo oo qura marka ay jirto dowlad adag oo dhexe oo uu harsado, haddii kale maamul-goboleedku wuxuu iska noqonayaa boorso NGO ah iyo masaar uu nacabka dibadeed ee qarannimada Somalia adeegsado, isagoo woxoogaa san dareerto ah u daadinaya madaxda maamullada, taasina ma noqon doonto mid xitaa iyaga anfici doonta cid kaleba daayoo. Waayo cadowgu ma jecla nacabka ku caawiya cawaraadda ciddiisa.

Inta goori goor tahay waa in go’aan umadeed la gaaraa oo gartaan cadaawe garowshiyo iyo wax isu garasho lagu bedelaa, haddii kale, marka ay doonidu quusto waxaa xitaa ku dhiman doona midkii hoosta ka dalooliyey.

La soco qodobbo kale oo aannu ku eegi doono khaladka DF Somalia lafteeda.

Tifaftirka Hadalsame Media

Facebook Comments