AMIIRKII INGIRIISKU XADAY! Itoobiya & UK oo muran diblomaasiyadeed ka dhex oogan yahay! (Arrin yaab leh)

0

(London) 12 Maajo 2019 – Boqoradda Britain ayaa muran diblomaasiyadeed abuurtay kaddib markii ay diiddey inay soo celiso lafaha Amiir Itoobiya laga ”xaday” oo haatan ku dhex aasan Qasriga Boqortooyadaasi ee Windsor Castle.

Prince Alemayehu ayaa Ingiriiska la keenay kaddib markii aabihii, Boqor Tewodros II, uu is diley xilli ay ciidamadii British-ku ay kusoo dhowaayeen Qasrigiisa oo dul saarnaa buur ku taalla Woqooyiga Itoobiya 1868-kii.

Amiirka yar ee agoonoobey oo markaa 7-jir ahaa ayaa waxaa deeto la dhacday Queen Victoria oo ku tilmaantay wiil ‘qurxoon oo edeb iyo sharaf leh’, iyadoo la geeyay iskuulka Sandhurst, balse wuxuu tiibisho u dhintay markii uu 18-jir ahaa 1879-kii, iyadoo lagu aasay qabri geesta ku haya kaniisadda St George’s Chapel ee isla Windsor.

Waxay ahayd 1868-kii, markii ay ciidamada British-ku ay weerar ku qaadeen Boqorkii Ethiopia ee Tewodros took oo madax furasho u qabsaday wakiilkii British-ka halkaa u joogey iyo dhowr qof oo kuwa diimaha faafiya. Balse markii ciidamadiisii laga adkaaday oo qalcaddiisii la qabsaday, wuu is toogtey.

Yeelkeede, kaddib 140 sano oo laga joogo geeridiisa, sheekada Alemayehu waxay muhiimad wayn ugu fadhisaa Ethiopia.

Dowladda Itoobiya ayaa 12 sanadood kahor codsatay in loosoo celiyo, balse waxay ciil la jeesatey markii ay dalabkaa ka dhaaratay Boqortooyada saldhigata Buckingham Palace.

Habeenkii xalay ahaa, Danjiraha Itoobiya ee UK, Fesseha Shawel Gebre, ayaa Boqortooyada ku beer dulucsadey sida ay dareemi lahayd haddii qof qoyskeeda ka tirsan lagu aasi lahaa dhul shisheeye kaddib markii xoog lagu kexeeystay, isagoo hoosta ka xarriiqay in dowladda Itoobiya aysan ka hari doonin dalbashada maydka ”Amiirka laga xaday”.

Hadalsame Media