AC Milan & Inter oo Liverpool taageeraya CL Final (Maxay tahay sababtu?)

0

(Milano) 12 Maajo 2019 – Waloow ay sanadihii yaraa ee dambe ka maqan yihiin masraxyada sare ee kubadda Yurub, misna AC Milan iyo Inter waxay ka mid yihiin kooxaha ugu guusha badan qaaradda gaboowdey, dhanka Champions Cup / Champions League, UEFA Cup iyo Koobka Koobabka.

Balse haddii ay Tottenham koobka qaaddo tiiyoo ay Chelsea horay u qaadday 2012-kii, magaalada London ayaa caasimadda Lombardia ee Milano ka jebinaysa rikoodh ilaa haatan Kaligeed u yaalla, kaasoo ah inay tahay magaalada qura ee Yurub ah oo ay ka dhisan yihiin laba kooxood oo hantay koobka dhegawayne ee Champions League.

Sidaa daraadeed, Inter iyo Milan ayaa la sheegay inay si ahaan taageerayaan kooxda Liverpool, balse waxaa halkaa ku jirta cillad kale, waayo haddii ay guulaysato waxay imanaysaa 6 Champions League, taasoo ku soo dhowaynaysa Rossoneri oo 7 leh.

Waxaana halkaa ka jirta in lagu doodo midka daran labada arrimood.

Hadalsame Media