YAAB! Ninkii ay u shaqaynaysay ayaa geed ku taagey isla maalintaasna waxaa loo musaafuriyay dalkeeda

0

(Riyaad) 11 Maajo 2019 – Gabar adeegto ah oo u dhalatay dalka Filibiin kana shaqaynaysey Saudi Arabia ayaa geed lagu xirey dhowr saacadood kahor intaan loo musaafurin dalkeeda Phillipines.

Gabadhan oo ka mid ah shaqaalaha Filibiin oo dibedda ka shaqeeya lana yiraahdo Lovely Acosta Baruelo ayay dhibaatadani ku qabsatay magaalada Riyaad, caasimadda Sucuudiga.

Waxaa barta Facebook lasoo dhigay sawir muujinaya Baruelo oo geed lagu taagey, iyadoo aan la sheegin sababta sidaa loo yeelay.

“Wasaarad Dibadeedka Filibiin waxay caddaynaysaa in Lovely Acosta Baruelo oo laga soo tarxiilay Saudi Arabia ay Manila kasoo degtey,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Filibiin oo ay Safaaradeeda Riyaad sheegtay in arrinteeda lagu wargeliyey isla maalintii la musaafurinayey.

Dad badan oo Filibiin iyo dalal kale ah ayaa sanad kasta dhibaatooyin kala kulma dadka ay u shaqeeyaan ee Bariga Dhexe.

Hadalsame Media