DAAWO: ”Hallaga cayriyo Guddiga Arrimaha Dibedda” – Mike Pence oo markale weeraray Ilhaan Cumar

0

(St. Paul, Min) 11 Maajo 2019 – Madaxwayne Xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa soo cusboonaysiiyey colaaddii kala dhexeeysey Ilhaan Cumar, isagoo haatan ku baaqay in gebi ahaanba laga cayriyo Guddi Hoosaadka Arrimaha Dibedda Maraykanka kaddib wixii ay ka tiri Israel iyo Venezuela, sida uu ku doodayo.

“Ilhaan Cumar warar bay sheegtay, warar Yuhuud nacayb ah oo ka dhan ah saaxiibka noogu dhow ee Israel, taas waa inuu diidaa Ameerikaan kasta,” ayuu Pence ku yiri waraysi uu siiyay hilinka xag-jirka ah ee Fox News.

“Waxay xitaa dhowaan Maraykanka ku eedeeysey faqriga iyo caalwaaga uu kali taliyuhu baday shacabka  Venezuela waxayna taasi ii sheegaysaa … in xildhibaanadda Ilhaan Cumar aysan meel ku lahayn Guddi Hoosaadka Arrimaha Dibedda waana inuu xilka ka qaadaa maamulka sare ee Dimoqraadigu,” ayuu daba dhigay.

Ilhaan Cumar ayaa kabdhood iyo bartilmaameed u ahayd Xisbiga Jamhuuriga oo aan u kala harin, qaar ka mid ah isla xisbigeeda Dimoqraadiga iyo kooxaha muxaafidka ah oo ay ku jiraan ururradda cunsuriga ah, tan iyo markii ay saldhigatay aqalka Capitol Hill.

Hadalsame Media