DAAWO: Gabar Soomaaliyeed oo rikoodh cusub ka dhigtay Maraykanka

0

(Sioux Falls, SD) 11 Maajo 2019 – Ifraax Xaashi oo dhigata Dugsiga Sare ee Lincoln High School ayaa durba diyaarsatay khudbaddii ay ka hor jeedin lahayd ardayda iskuulkeeda daba-yaaqada bishan Maajo, taasoo guul wayn u ah marka xisaabta lagu daro in sanado yar kahor aysan aqoonin eray Ingiriisi ah.

Ifraax Xaashi oo inta badan carruurnimadeeda ku dhamaysatay Somalia, waxay jirtey 12 sano markii ugu horreeysey ee ay fasal iskuul dhex fariisato, markii ay bilowday Axtell Park Middle School iyadoo fasalka ka bilowday fasalka 7-aad.

Haatan waxay noqotay gabadhii ugu horreeysey ee Ingiriiska ka barata Lincoln High School ee abid ka mid noqota jamciyadda National Honor Society oo ay leeyihiin ardayda dugsiyada sare ee Maraykanka oo ay galaan dadka firfircooni iyo karti muujiya.

“Adeerradeey ayaa horteeyda ku dhintay, xitaa saaxiibada qoyskayga, dad badan oo aan waayay waa wixii iigu adkaa in aan ilaawo,” ayay tiri Ms Xaashi.

Ifrah oo deggan Sioux Falls oo ka tirsan South Dakota oo aan asal ahaan waxbarasho rajo ka qabin ayaa iminka u mahad celisey macallimiinteeda.

“Waxay tusaale wanaagsan u tahay dhallinyarada da’da yar, iyagoo dhihi karaa, haddii ay Ifraax oo aniga oo kale ihi samayn karto aniguna waan samayn karaa,” ayay tiri guddoomiye Ashley Griese oo ka mid ah maamulka iskuulka.

Marka ay dugsigan ka qalin jebiso waxay Ifraax aadi doontaa Jaamacadda South Dakota.

Hadalsame Media