Hooyooyinka KUL-KULUL oo la sheegay inay soo saaraan carruur KARTI badan! (Raac qodobbadan)

0

(Hadalsame) 09 Maajo 2019 – ‘Mean Mom Rules’ waa buug ay qortay Denise Schipani oo ay uga hadleyso aragtideeda hooyannimo iyo sida ugu fiican ee carruur adag lagu barbaari karo. Denise waxay ka doodeysaa “Yaa carruurta u wanaagsan hooyo kulkulul iyo hooyo miskiin ah?” Waxayna aragtideeda ku xoojineysaa in ay ilmaha u fiicantahay hooyo kulkulul oo ay sheegtay in ay soo saareyso carruur leh shakhsiyad adag oo madax-bannaan, una diyaarsan in ay wajahaan caqabadaha nolosha.

Denise Schipani oo buugaan hooyooyinka ku siineysaa talooyin dhowr ah, waxay leedahay:

Hooyo, cunuggaada xor ka dhig, balse bar dhaqammada ka reebban. Noqo hooyo hal adag, kulkulul, oo nidaam-raac ah. Gurigaada ka deji sharci iyo kala-dambeyn, adiguna noqo awood sharciyaddaas meel-mariso, lmahaadana isla ogaada sharci kasta iyo ciqaabta ka dhalan karta haddii uu jebiyo.Cunuggii uu sharcigaasi qabtana ku qaad ciqaabta ka degsan, una ciqaab habka ugu fiican oo ah in aad u diiddo waxyaabaha uu jecelyahay.

Ha dayicin naftaada, oo sida aad uga fikireyso carruurtaada uga fikir quruxdaada. Cunuggaada ha u noqan adeegto ama booyaaso isaga kaliya u shaqeysa. Carruurtaada ka dhowr suuraha tirada badan, waayo waxay cunuggaada ka dhigeysaa doqon baac ah ama nacas ah, oo aan dad kale la dhaqmi karin, waxna aan la qeybsan karin.

Cunuggaada ha u sameynin wax kasta oo uu rabo. Ilmahaada bar erayga MAYA, kuna adadkoow go’aankaada oo haka aqbalin in uu ooyin kaaga qaato wixii uu rabo. Kana fogoow in aad gar iyo gardarraba garab ugu noqoto cunuggaada, oo aad dartiis isugu dhacdaan deriska, qaraabada iyo macallimiintiisa.
Haku qeylin carruurtaada.

Haddii aad rabto in aad wax u sheegto ama canaanato, adiga oo u dhoolla-caddeynayana si kalsooni leh ugu sheeg wixii aad rabto, si uu hadalkaada ugu arko in uu isaga dan u yahay oo uusan ciqaab aheyn, kuna tababbar in ay hadalkaada sidiisa u qaataan, una dhaqan-geliyaan.

Ilmahaada bar xuquuqda ay leeyihiin iyo waajibka saaran. Ku barbaari masuuliyad, oo mid kasta u dhiib shaqo uu qoyska ugu qeybsanyahay, una sameey jadwal, si uu u ogaado waqti kasta iyo waxa laga rabo, kuna barbaari in ay u kala dambeeyaan sida ay u kala weynyihiin, ayna isugu naxariistaan sida ay u kala yaryihiin.

Hooyo, haddii aad sidaas noqoto ma tihid qof qalafsan ee waxaad tahay hooyo adag oo carruurteeda u horseedeysa mustaqbal fiican ayay Denise Schipani kusoo gebagabeyneysaa talooyinkeeda, waxayna ragga kula talineysaa in ay carruurtooda u xulaan hooyo nuucan ah, si ay aabbe ugu noqdaan carruur edebsan, nidaamsan oo in ay taliyaan iyo in loo taliyaba u sameysan, madax-bannaan, una diyaarsan in ay wajahaan caqabadaha adadag ee nolosha.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media