DAAWO: ”Waxay isu ekeeysiiyaan niman taajir ah, balse TAGAASI ayay raacaan!” – Akon oo kashifay xaaladda fanaaniinta madow ee Maraykanka

0

(Hadalsame) 09 Maajo 2019 – Rapper-ka caanka ah ee Akon ayaa ku doodaya in fanaaniinta Nigerian-ka ah sida Davido, Wizkid iyo Peter iyo Paul Okoye (markii hore P-Square) ay aad uga taajirsan yihiin dhiggooda Maraykanka oo soo bandhiga nolol khiyaali ah oo ay soo amaahdeen, marka ay heesaha duubayaan.

Muuqaal aad ugu faafay baraha bulshada ayuu Akon oo laftiisu Maraykanka ka heesi jirey, balse ah nin ay ku dheer tahay qadiyadda Afrikaannimada, ayaa sheegay in muddo dheer Afrika loo sawirayay qaarad ”dib u socod ah” oo aah hibo badan lahayn, isagoo warkan ka sheegay shirkii dhallinyarada ee lagu qabtay Kigali, Rwanda, Luulyo 2017.

“Marka aad eegto Hip hop-ka America, rapper kasta waa taajir. [Marka ay heesta duubayaan] waxayna xiran yihiin katiinado dahabi ah, [wataan] gawaari Bentley ah [iyagoo la sawiran] gabdho qurux badan oo la jooga qasriyo waawayn oo berkedo leh,” ayuu yiri Akon.

“Yeelkeede, marka ay duubistu dhamaato, waxay wacdaan Uber taxi. Xitaa ma deggana meelaha aad ka aragtaan TV-yada…” ayuu raaciyay, isagoo Afrika usoo jeediyay inay is muujiso.

Xaqiiqiyan, marka laga soo tago inay wax ka jiraan warka Akon, misna waa jiraan Rappers badan oo leh guryo waawayn iyo gawaari ay iyagu gaar u leeyihiin.

Hadalsame Media