UK & Canada oo bilaabaya baraamij lagu abaal marinayo weriyeyaasha ka howlgala Somalia (Eeg shuruudaha ka qayb galka)

0

(Muqdisho) 07 Maajo 2019 – Dowladaha UK & Canada ayaa wada agaasimaya barnaamij abaalmarin saxaafadeed ah oo lagu maamuusayo Maalinta Xorriyadda Saxaafadda, taasoo la qaban doono bisha Luulyo 2019, iyadoo lagu dhiirri gelinayo dhallinyarada.

Munaasabadda abaalmarinta ayaa lagu qaban doonaa Safaaradda Britain ee magaalada Muqdisho oo sheegtay inay ku faraxsan tahay bixinta jaa’isada Young Somali Voices journalism prize (YSV).

Abaalmarintan ayaa ujeedkiisu yahay difaacidda madax bannaanida saxaafadda iyo imuhiimadda inay saxaafaddu door ka ciyaarto abuuritaanka bulsho loo dhan yahay oo Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo laga doonayaa in da’yarta lagu dhiirri geliyo inay tebiyaan sheekooyinka iyo dhacdooyinka dalkooda Somalia.

Abaalmarintan oo ay dalban karaan weriyeyaasha Soomaaliyeed ee 3 sano iyo wixii ka badan ka shaqaynayay warbaahinta ayaa waxaa marti gelinaya Danjiraha UK ee Somalia, Ben Fender, iyo wakiilka Xoghayaha QM ee Somalia.

Arrintan oo qayb ka ah mashruuc ay UK ku bixinayso 3 milyan oo gini ayaa CV loo dirsan karaa ilaa 23:59 Jimce 7 Juun 2019. Wixii ka dambeeya lama aqbali doono.

Lifaaqan ka eeg shuruudaha la iska doonayo…

Hadalsame Media